Home WARARKA Amaro culus oo la dul dhigay Booliska Caasimadda Muqdisho

Amaro culus oo la dul dhigay Booliska Caasimadda Muqdisho

2
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Hoggaanada, Qeybaha, Fadhiyada Madaxa-bannaan, iyo talisyada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay saraakiisha saldhigyada Booliiska ee Gobolka Banaadir, waxaana si gaar ah loogu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga baraha koontaroolka, iyo in si adag loo baaro gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya caasimadda, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida.

Taliyaha Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa faray saraakiisha inay si buuxda u dhaqan geliyaan habraacyada amniga ee jira, isla markaana ay adkeeyaan feejignaanta guud ee ciidamada ka howlgala goobaha muhiimka ah.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ku adkeeyay saraakiisha muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka xog-wadaagga ee ka dhexeeya laamaha amniga dalka, isagoo xusay in is-weydaarsiga xogta uu door weyn ka qaatay ka hortagga falalka lidka ku ah nabadgelyada.

Ugu dambeyn, Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo amni waara oo dalka ka hana qaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here