Home WARARKA Safiirka UK ee Soomaaliya oo sheegay in uu ku shaqeeyo cabsi iyo...

Safiirka UK ee Soomaaliya oo sheegay in uu ku shaqeeyo cabsi iyo khatar joogto ah

3
0

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda nololeed iyo shaqo ee uu kala kulmo magaalada Muqdisho, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha diblomaasiyadeed ee ugu khatarta badan caalamka.

Qoraal uu daabacay ayuu King ku sheegay in subaxdiisa caadiga ah mararka qaar ay ku bilaabato dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee F-16, taas oo beddesha digniinta saacadda hurdada. Waxa uu xusay in uu ku shaqeeyo xaalad amni oo aad u adag, isaga oo inta badan isticmaala gaadiid gaashaaman iyo qalab difaac si uu u fuliyo waajibaadkiisa.

Safiirka ayaa tilmaamay in safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho dib loo furay sannadkii 2013, isaga oo Ingiriisku ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee reer Galbeed ah ee dib ugu soo laabtay Soomaaliya. Waxa uu sheegay in safaaraddu ka shaqeyso hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, gargaarka bani’aadannimo, iyo iskaashiga caalamiga ah.

King ayaa sidoo kale xusay in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si loo yareeyo khataraha kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, loona xakameeyo budhcad-badeedda, isla markaana loo taageero shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo uu sheegay in horumar la sameeyay, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in guulahaasi ay weli jilicsan yihiin, isla markaana Soomaaliya ay tahay deegaan qalafsan oo u baahan dadaal joogto ah.

Dhanka kale, safiirku waxa uu xusay in inkastoo xaaladda amni ay adag tahay, haddana ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo caadi ah sida kulamo iyo xaflado lagu xoojinayo xidhiidhka, isaga oo tusaale u soo qaatay munaasabad ay qabteen oo lagu xusay ‘Hebeenka Burns’ (xus sannadle ah oo laga qabto dalka Scotland (iyo meelo kale oo dunida ah), kaas oo lagu maamuuso gabyaa caan ah oo reer Scotland ahaa oo la odhan jiray Robert Burns), taas oo ay ka qeyb galeen diblomaasiyiin kala duwan.

Ugu dambeyn, Charles King ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya uu muhiim u yahay danaha wadajirka ah ee Soomaaliya, Ingiriiska iyo beesha caalamka, isagoo xusay in fahamka xaaladda dalka iyo dhisidda xidhiidho ay qeyb weyn ka tahay shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here