Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyeen Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Kartoomo Khamri ah oo lagu hayay guri si qarsoodi ah loogu iibinayay sida ay hadalka u dhigeen.
Ciidankaan oo isugu jiray Booliis iyo Nabadsugid oo hayay xogta guryaha lagu iibiyo walxaha maanka dooriya ayaa gudaha u galay mid kamid ah guryahaas oo lagu soo qabtay kartoomadaan Khamriga ah oo la geeyay Saldhigga Booliiska Degmada Kaaraan.

Taliyaha Nabadsugidda Degmada Kaaraan iyo Taliye ku xigeenka Booliiska Degmadaas ayaa Shacabka ka codsaday in ay lasoo wadaagaan waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa liddiga ku ah nabadgalyada si ay uga hortagaan.
Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallo ka dhan ah walxaha maanka dooriya kawada Magaalada Muqdisho, waxa ay horay u xireen Dad ku eedeysan ka ganacsiga walxahaas oo halis ku ah nabadgalyada.



