Bilihii lasoo dhaafay waxay biyo la’aan baahsan ay ka jirtay deegaanno badan oo uu maro Wabiga Shabelle, kadib markii uu wabiga biyo yareeyay.
Magaalada Baladweyne waxaa dhexmara Wabiga, waxaana magaalada ka mid ahayd meelaha uu saameeyay biyo la’aantii Wabiga, hase ahaatee waxaa saacado kooban gudahood isbedal badan laga dareemay Biyaha Wabiga.
Wabiga Shabeelle biyihii ayaa ka gura xiliyada qaar taas oo keenta in Dadka iyo Duunyada aysaameen biyaha wabiga ee guray.












Waxaa hadda isbedalay dhadhankii iyo midabkii biyahaWabiga Shabelle, biyuhuna waa kuwo macaan oo dadkuna ay u riyaaqeen.
Dadka ku nool gobolada Hiiraa, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa ka faa’ideysta biyaha wabiga Shabeelle, iyaga oo u adeegsada waraabka wax soo saarka beerahooda, halka deegaano badan oo hareeraha wabiga ku yaala dadka ku nool ay cabaan biyaha wabiga, maadaama aysan laheyn ceel biyoodyo.
Hadda waxaa la dareemayaa inuu biyo keenay wabiga Shabeelle, oo sawiro laga soo qaaday wabiga ayaa muujinayay inuu biyo keenay.












Qaar kamid ah dadka biyaha wabiga Shabeele arkay ayaa laga dheehanayay farxad badan oo ay kusoo dhaweynayaan, maadaama biyaha ay yihiin aasaaska nolosha.
Caqabadaha ugu waaweyn ee maanta saameeyay beeraleyda, gaar ahaan dalalka sida Soomaaliya oo ku tiirsan roobka iyo wabiyada sida wabiga Shabelle ayaa lagu tilmaamay in uu jiro isbadal ku yimid cimilada.
Isbeddelka cimiladu (Climate Change) waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maanta saameeya beeraleyda, gaar ahaan dalalka sida Soomaaliya oo ku tiirsan roobka iyo wabiyada sida wabiga Shabelle
2. Saameynta Ugu Muhiimsan
a) Roobab aan joogto ahayn
Roobka oo yaraada ama dib u dhaca
Mararka qaar roobab xooggan oo fatahaad keena
Dalagyada oo aan si fiican u koraan
b) Abaar (Drought)
Biyo yari ku timaada beeraha
Dhulka oo qalala
Dalagyo badan oo baaba’a
c) Heerkulka oo kordha
Kuleyl badan oo dhaawaca dhirta
Dalagyada oo si degdeg ah u engega
Wax-soo-saarka oo hoos u dhaca
d) Cayayaanka iyo cudurrada oo kordha
Cimilo diiran waxay kordhisaa cayayaanka
Dalagyada oo si fudud u qaada cudurro
e) Fatahaad (Flooding)
Wabiyada oo fataha sida Jubba River
Dalagyada oo biyo ku baaba’a
Carrada oo luminaysa nafaqo
3. Saameynta Dhaqaale iyo Bulsho
Beeraleyda oo khasaaro dhaqaale soo gaara
Qiimaha cuntada oo kordha
Shaqo la’aan iyo saboolnimo
Dadka oo u hayaama magaalooyinka
4. Saameynta Ku Timaada Wax-soo-saarka
Hoos u dhac ku yimaada dalagyada sida galley, masaggo, iyo khudaar
Tayada dalagga oo xumaata
Xilliyada beerista oo is beddela
5. Xalka iyo Talooyin (Adaptation Strategies)
a) Beeraha casriga ah (Climate-Smart Agriculture)
Isticmaalka abuur u adkaysata abaaraha
Hababka waraabka sida drip irrigation
b) Kaydinta biyaha
Sameynta balliyo iyo berkado
Ka faa’iidaysiga biyaha wabiyada
c) Kala duwanaanta dalagyada
In la beero dalagyo kala duwan si halis loo yareeyo
d) Tababar iyo wacyigelin
Beeraleyda oo la siiyo aqoon cusub
La socodka saadaasha hawada
Caqabadaha Hortaagan Xalka.
Si kastaba, waddadu ma fududa. Waxaa jira caqabado dhab ah oo jira:
Wacyi la’aan: Dad badan weli si qoto dheer uma fahmaan khatarta.
Kharashka Bilowga: Tamarta nadiifta ah mararka qaar waxay u baahan tahay maalgelin hore.
Siyaasad iyo Qorsheyn Liidata: Dalal badan, qorshe cad oo waqti dheer ah weli ma jiro.
Isbeddelka Dhaqanka: Dadku mararka qaar way ku adkaataa inay beddelaan hab nololeedkooda.
Haddii caqabadahan si toos ah loo wajahayo, horumar dhab ah ayaa suurtagal ah.
Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee biyo la’aanta ay ka jirtay, hase ahaatee waxaa maalmihii ugu dambeeyay biyo badan keenay Wabiga.
“Ilaahay ayaa mahad leh oo biyo inoo keenay, biyaha hadda waa nadiif oo aad u macaan, inta Wabiga uu maqnaa dad badan bay samaayen ku yeelatay, laakiinse hadda wabiga waa uu soo buuxsamay, Wabigii faaruqa ahaa horta saan nuu noqday waa soo buuxsamay maanta waa sii siyaadiyaa biyihii shalay qaraarka aha ee dhanaanka ahaa waa is badaleen biyo caan isu badaleen waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan oo beeraha ku waaraabsadaan si ay wax usoo saartaan.sidaasi waxaa yiri”’Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdiwaajid sheekh Axmed (Camba gooye)
Hoos ka dhageyso:Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdiwaajid sheekh Axmed (Camba gooye)
Axmed Cabdulahi Maxamed (Tolman) oo ah Aqooyaan ahana falaqeeye Arimaha isbadlka cimilada ayaa dhankiisa ka hadlay Isbeddelka cimiladu waxaana uu sheegay in dhibaato dhinacyo badan leh ku hayaan dhammaan bulshooyinka adduunka. Soomaaliya waxa si weyn looga dareemayaa saamaynta isbeddelka cimilada adduunka. Soomaaliya waxa si weyn looga dareemayaa saamaynta isbeddelka cimilada,Sida qotada dheer ee bulshooyinku ugu xiran yihiin degaankooda ayaa noqota hanti muhiim oo lagu maareeyo dhibaatooyinka. Qarniyo badan waxa bulshooyinka Soomaalidu ay si qotadheer u fahmsanaayeen dhaqdhaqaayada adag ee la soo gudboonaaday hab-no
loleedkooda degaan. Aqoonta gudaha ah oo lagu maarayn karo nolol-maalmeedkooda,waxaa uu sheegay in waxkasta ay kor ukacaan taas oo dhibaato ku ah dadka soomaaliyeed,waxaana uu ka sheekey dhibaatada soo gaartay dadka beeraleeyda ah.
Hoos ka dhageyso :Axmed Cabdulahi maxamed (Tolman)
Marka la soo koobo, fahamka waa maxay isbedelka cimilada ma aha aqoon guud oo keliya, balse waa arrin saameyn ku leh mustaqbalka bani’aadamka. Sababihiisa ugu waaweyn waa hawlaha aadanaha, halka saameyntiisu ay ka muuqato kulaylka kordhay, abaaraha, iyo fatahaadaha.
Haddii aan la qaadin tallaabooyin wax ku ool ah maanta, dhibaatadu way sii xumaan doontaa. Laakiin haddii dowlado, shirkado, iyo shacabku si wadajir ah u dhaqmaan, weli waxaa jirta fursad lagu yareeyo saameynta isbedelka cimilada oo lagu ilaaliyo deegaanka jiilasha mustaqbalka.
W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
bashka694@gmail.com
Baladweyne.Soomaaliya



