Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si adag u cambaareysay weerarradii iyo falalkii amni ee lagu beegsaday madax hore oo ka tirsaneyd dowladda federaalka, iyadoo ku tilmaantay dhacdooyin halis ku ah xasilloonida siyaasadeed iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay tallaabooyinka ka dhanka ah madaxda mucaaradka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Jubaland waxay sheegtay in labada siyaasi ay wadeen kulan nabadeed, halka hoyga Xasan Cali Khayre, uu shir kula jiray odayaal dhaqameed iyo waxgarad ku howlanaa dadaallo lagu dejinayo xiisadaha siyaasadeed ee taagan.
Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay caburin lagu hayo xorriyadaha aasaasiga ah, gaar ahaan xuquuqda muwaadiniinta ee isu soo baxa, aragti dhiibashada iyo ka qeybgalka arrimaha siyaasadda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tallaabooyinka noocan ah ay ka hor imanayaan mabaadi’da dastuuriga ah iyo hannaanka dowladnimo ee ku dhisan wada-tashiga, isla markaana ay sii hurin karaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Dhanka kale, Jubaland waxay sheegtay in muddo dheer ay ku baaqaysay in xal waara loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ku celisay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada is haya ay miiska wada-hadalka ku xalliyaan kala aragti duwanaanshahooda.




