Hal qof ayaa ku geeriyootay, halka qof kalena uu ku dhaawacmay mudaharaad maanta ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo goobjoogayaal.
Mudaharaadkan ayaa ka dhashay xadhigga Suldaan Qabille oo dhawaan lagu xidhay degmada Mandheera ee gobolka Saaxil. Dadweyne ka cadhaysan xadhigga suldaanka ayaa isugu soo baxay magaalada, waxaana halkaasi ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in haweenayda geeriyootay lagu magacaabi jiray Canab Cumar Jaamac, halka qof kale uu ku dhaawacmay rabshadihii la socday mudaharaadka.
Mid kamid ah dadka mudaharaadayay ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay rasaas adeegsadeen, isaga oo sheegay in shacabka la beegsaday xilligii ay dibadbaxa samaynayeen.
Garyaqaan Guleed Dafac oo u ololeeya in booliiska dib u qaabayn lagu sameeyo ayaa ku baaqay in dhacdadan lagu sameeyo baadhitaan madax-bannaan, isaga oo sheegay in sharci ahaan awoodda ay booliisku adeegsanayaan ay tahay inay noqoto mid u dhiganta heerka khatarta ay la kulmayaan.
Xukuumadda Somaliland ilaa hadda kama hadlin dhacdada ka dhacday degmada Sheekh iyo eedaha loo jeediyay ciidamada ammaanka. Sidoo kale lama oga xaaladda caafimaad ee qofka ku dhaawacmay rabshadaha.
Dhacdada Sheekh ayaa mar kale soo nooleysay doodaha ku saabsan habka ay ciidamada booliiska Somaliland ula macaamilaan mudaharaadyada. Muddooyinkii u dambeeyay, booliiska ayaa wajahaya eedo la xidhiidha adeegsiga awood xad-dhaaf ah marka ay dhacaan dibadbaxyo iyo isu soo baxyo dadweyne.
Sannadkii 2025, ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay mudaharaadyo ka dhacay magaalada Borama, halka sannadkii 2023-na ay ku dhinteen ugu yaraan toddoba qof dibadbaxyo ay abaabuleen xisbiyada mucaaradka. Dhacdooyinkaas ayaa dhaliyay dhaleecayn uga timid ururrada bulshada rayidka ah iyo dadka u dooda xuquuqda aadamaha, kuwaas oo ku baaqay in dib-u-habayn lagu sameeyo habka loo maareeyo dibadbaxyada.
Xukuumadda hadda talada haysa ayaa xilligii ololaha iyo markii ay xilka la wareegaysay ballanqaadday in la xoojin doono ilaalinta xuquuqda shacabka isla markaana la yarayn doono adeegsiga xoogga marka la wajahayo mudaharaadyada. Hase yeeshee, dhacdooyinka soo noqnoqday ee dhimashada iyo dhaawaca sababay ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan heerka ay hirgaleen ballanqaadyadaas iyo in isbeddel muuqda uu ka dhacay hab-dhaqanka ciidamada ammaanka.



