Home WARARKA Ciidan taabacsan Lafta-gareen oo gaaray Degaan udhaw Degmada Luuq+Sawirro

Ciidan taabacsan Lafta-gareen oo gaaray Degaan udhaw Degmada Luuq+Sawirro

3
0

Ciidankii Baydhabo laga qabsaday ee Beesha Xariin ah ayaa Gaaray Balleey Baayga Gedo waxaana lagu soo dhaweeyay saldhig kumeel gaar ah oo laga siiyay Degmada Boholgaras waxaana socda Wada hadal sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo lagu kal soonaan karo.

Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa waxaay gaareen degmada Doolow, iyagoo safar dhanka dhulka ah uga soo baxay deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Dhaq-dhaqaaqan ciidan ayaa imanaya xilli xaalado amni iyo siyaasadeed ay ka taagan yihiin qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedka safarkooda.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka ay sheegtay inay ku guuleysatay in dib magaalada Baydhabo loogu soo celisay ciidamo taabacsanaa maamulkii Lafta-gareen, kuwaas oo horey ugu sugnaa deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay.

Muqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya boqolaal askari ciidamadii Koonfur Galbeed ka tirsanaa isla markaana wata gaadiid dagaal oo aad u badan oo gudaha u galay gobolka Gedo gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Boholgaras oo ku dhaw degmada Dooloow halkaasi oo saldhigyo militari ka sameysteen waxaana halkaasi ka taliya Jubbaland.

Arrintaan ayaa dhalisay hadal heyn weyn iyadoo ay muujinayso inay wali taagan tahay colaadii Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay Cabdicasiis Laftagareen dhammaadkii bishii la soo dhaafay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya, Ilyaas Cali Xasan oo qeyb ka ahaa siyaasiyiintii Mucaaradka Koonfur Galbeed oo hormuudka u ahaa isbedelkii dhowaan KGS ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in hubka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu iibiyo canshuurtii shacabka in la geeyo degmada Dooloow oo ka tirsan Gedo oo ay tahay wax laga xumaado maadaama hubkaasi uu yahay hub maamulka uu leeyahay.

Bixitaanka ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa timid kadib markii maalmo kahor ay ku dhawaaqeen iyagoo deegaanka Awdiinle ku sugan in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan doorasho ku qaban karin magaalada Baydhabo isla markaana ay ka hortagi doonaan in dowladda halkaasi Madaxweyne cusub ay geyso.

Waxaana arrintaan ay noqonaysaa caqabad weyn oo dhanka amniga oo soo wajahaya Koonfur Galbeed maadaama ciidamo intaasi la eg oo Mucaarad ah iyagoo hubeysan ay tageen gobolka suurtagalna ay tahay inay dib u soo rogaal celiyaan.

Cabdicasiis Laftagareen oo in ka badan 7 sanno Madaxweyne ka ahaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xukunka laga tuuray kadib guluf dagaal oo dowladda federaalka qeyb ka ahayd oo magaalada Baydhabo lagala wareegay dhowaan.

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay isku dhiibeen kuwa Maamulka Jubbaland waxaana hadda fariismo ka sameysteen meel ku dhaw degmada Doolow lama oga mustaqbalka halka ay aadi doonaan balse hadal heyn weyn ayaa ka dhalatay tegistooda ay tageen magaaladaasi Doolow.

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo laga hirgelinaayo qorshaha dowladda ee la xiriira nidaamka doorasho qof iyo codka ah sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya ay dhowaan ka bilaaban doonaan.

Kadib markii guddiga doorashooyinka ee lagu muransanyahay ee Dowladda Dhexe ee ay shaaciyeen jadwal la xiriira doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay ka dhacayaan golaha deegaanka iyo wakiillada oo hal maalin lawada qabanaayo 28-ka bishaan Abriil, 11 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa isa soo taraya guux xooggan oo la xiriira tallaabooyinka xiga marka la eego sida Dowladda Soomaaliya awooda ugu maquunisay Maamulkii ka dhisnaa Koonfur Galbeed.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya gobolka Gedo ka hirgelinayso hannaan doorasho qof iyo cod ah oo horey u shaaciyeen madaxdii kala duwaneed ee dowladu u diraysay dhinaca gobolka Gedo, qorshahaas ayaa hadda u muuqda inuu soo rogaan celiyay.

Khubradda odorosa arrimaha siyaasadda waxay sheegayaan in nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee muddo xileedka gabaabsiga ka yahay uu u muuqdo mid u guuray awood militari in lagu fuliyo qorshaha dowladda Soomaaliya cidii is-hortaagtana ay dowladdu tallaabo ka qaadayso sida haatanba dhacday ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamullada qaar waxa ay qabaan dareen ah in wixii ku dhacay Koonfur Galbeed iyagana ay soo asiibi karaan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaba fikirkaasi.

 

Waxay noqon kartaa sawirka qoraal odhanaya 'T TOYOTA TOYOT'

 

Waxay noqon kartaa sawirka qoraal

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.

Waxay noqon kartaa sawirka jeep

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here