Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay maamul-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle doorashada lagururansanyahay ee qof iyo cod, iyadoo cod-bixiyayaashu u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.
Magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabeelle, waxaa codkooda dhiibtay musharraxa hoggaamiyaha Hirshabeelle ee ururka JSP, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sidoo kale la arkayay dadweyne safaf ugu jira goobaha codbixinta.
Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah dadka Hirshabeelle, isagoo xusay in shacabka gobolku ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan cidda ay doonayaan.
Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta sidoo kale lagu soo rogay bandow soconaya ilaa fiidkii, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga goobaha codbixinta iyo habsami-u-socodka doorashada.
Dhanka Galmudug, cod-bixintu waxay ka bilaabatay magaalooyin ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo, iyadoo wararka goobaha qaar ay sheegayaan in dadku safaf dhaadheer u galeen cod-bixinta.



