Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa joojiyay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, kunka shillin (1,000) oo ah lacagta keliya kasoo hartay lacagihii uu dalka lahaa ayaa maanta laga diiday suuqyada magaalada muqdisho eeCaasimadda soomaaliya.
Gaadiidka Dadweynaha, Suuqyada iyo Dukuumada yaryar ee Caasimadda oo ah meelaha kooban ee isticmaalka Shillin Soomaaligu uu ku badnaa ayaa saaka laga diiday dadkii doonayay in ay wax kusoo iibsadaan sida xoguhu muujinayaan.
Dadka ugu badan ee arrintaan saamaynta taban ay ku reebtay waa shaqsiyaadka sida joogtada ah u raaca Gaadiidka dadweynaha, Qof kamid ah Dadkaas ayaa u sheegay warbaahinta in laga diiday in gawaarida ku raaco lacagta keliya ee kasoo hartay lacagihii uu dalka lahaa.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan maadaama arrintaan ay saamayn taban ku reebo Dad badan oo haysta lacagta shillin Soomaaliga ah.
Qaybo kamid ah Gobollada Dalka kol hore ayay ka istaagtay lacagtaan iyada oo dadku adeegsadaan lacagaha la isugu diro teleefannada, haatan caasimadda oo kamid ahayd meelaha kooban ee isticmaalkeedu kusoo hartay ayaa maanta laga diiday.
Sidoo kale Degmada jowhar Ayaa saakalay laga diiday in laga qaato lacagta taas oo dhibaato ku ah Dadka soomaaliyeed.



