Home WARARKA Madaxweynaha Somaliland oo Waqooyi Bari ugu baaqay nabad iyo in maxaabiista la...

Madaxweynaha Somaliland oo Waqooyi Bari ugu baaqay nabad iyo in maxaabiista la is-weydaarsado

11
0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xidhiidh la samaysay madaxda Maamulka Waqooyi Bari, isaga oo ka codsaday in la gaadho heshiis nabadeed iyo in la is-weydaarsado maxaabiista.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbaddiisa sanadlaha ah ee uu u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, isaga oo muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan in khilaafaadka jira lagu dhameeyo waddo nabadeed.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in xaaladda Sanaag ay tusaale u tahay in nabad lagu gaadhi karo wada hadal, isagoo sheegay in xukuumaddiisu tan iyo markii ay xilka la wareegtay ay xidhiidho kala duwan la samaysay bulshada ku dhaqan Laascaanood. Waxa uu tilmaamay in rajo weyn laga qabo in arrimaha taagan ay ku dhammaadaan si la mid ah sidii Sanaag.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa adkeeyay in gobolka Sool iyo Somaliland ay leeyihiin xidhiidh qoto dheer oo ku salaysan dhiig iyo dhaqan wadaag, isla markaana aanay kala maarmi karin. Waxa uu sheegay in wixii khaladaad ama tabashooyin ah loo xallin karo si wadajir ah.

Madaxweyne Cirro ayaa bogaadiyay ergadii nabadeed ee uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye, kuwaas oo socdaal ku tagay magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood, isaga oo xusay in horaantii 2025 ay xukuumaddu si cad u muujisay diyaar garowgeeda nabadda.

Ugu dambayn, madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay dhismaha nabada, is-weydaarsiga maxaabiista oo aan shuruud lahayn, iyo in dib loo furo isku socodka dadka iyo ganacsiga si loo xoojiyo nabadda iyo wada noolaanshaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here