Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Muuse, ayaa shalay si rasmi ah ugu gudbiyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, warqaddiisa is-casilaadda xilka.
Dr. Axmed Cali Muuse ayaa warqaddiisa ku sheegay inuu si ikhtiyaari ah uga degayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isaga oo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ka codsaday inuu si rasmi ah u aqbalo is-casilaaddiisa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku dadaalay gudashada waajibaadkiisa, ilaalinta caddaaladda, madaxbannaanida garsoorka, dhowrista dastuurka iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed.
“Waxaan go’aansaday inaan si ikhtiyaari ah uga dago xilka Guddoomiyenimada Maxkamadda Sare,” ayuu ku yiri warqaddiisa is-casilaadda.
Sidoo kale, Dr. Axmed Cali Muuse ayaa uga mahadceliyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, garsoorayaasha iyo hay’adaha dowladda wada-shaqeyntii ay la sameeyeen intii uu xilka hayay.
Sida ku cad warqadda uu guddoomiyuhu gudbiyay, is-casilaaddiisu waxay dhaqan geli doontaa marka si rasmi ah loo aqbalo.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, oo lagu xaqiijinayo in la aqbalay ama aan la aqbalin warqadda is-casilaadda Dr. Axmed Cali Muuse.
Is-casilaadda ayaa kusoo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed ay wajahaysay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo isbeddellada ka dhaca hay’adaha dowladda iyo garsoorka ay si gaar ah isha ugu hayaan bulshada iyo dhinacyada siyaasadda




