Home WARARKA Hay’adaha ammaanka Federaalka oo wada howlgallo lagu soo qabanayo Dad dilal ka...

Hay’adaha ammaanka Federaalka oo wada howlgallo lagu soo qabanayo Dad dilal ka gaystay Duleedka Baydhabo

4
0

Duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo Rag hubaysan oo dilay Askar katirsanaa ciidanka Badbaadada Koofur Galbeed kaddibna baxsaday sida ay u sheegeen warbaaahinta  ilo kala duwan.

Howlgalladaan waxaa si wadajir ah u wada ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa Militari ah si loosoo qabto Dadkaas loona horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo sidaan oo kale gacanta ugu haysa kiisas ka dhacay magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah ka yeeshay sidii loo adkayn lahaa amniga Gobolka Baay isla markaana looga hortagi lahaa Kooxaha iyo askarta ku howlan falalka amniga liddiga ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here