Home WARARKA Maraykan oo duqayn la beegsatay kooxda Daacishta ku sugan gobolka Bari ee...

Maraykan oo duqayn la beegsatay kooxda Daacishta ku sugan gobolka Bari ee Puntland

5
0

Taliska ciidanka Maraykanka ee (AFRICOM) ayaa sheegay in  duqeyn ay ka fuliyeen Puntland ay beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan  kooxda Daacish, iyadoo weerarku ka dhacay dhul buuraley ah oo qiyaastii 30 mayl u jira koonfur-bari magaalada dekedda ah ee Bosaso ee gobolka Bari.

AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in weerarka la fuliyay 17-kii Abriil, xilli ay sii kordhayaan duqeymaha cirka ee Maraykanka ka wado Soomaaliya.

Africom ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeynta, mana shaacin tirada khasaaraha ama waxyeellada, taasoo ah siyaasad uu qaatay Maraykanka tan iyo sanadkii hore.

Maraykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka wada koonfurta Soomaaliya, halkaas oo dagaallo culus ay toddobaadyadii u dambeeyay ku dhex mareen ciidamada dowladda iyo al-Shabaab.

Inkasta oo duqeymaha Maraykanka ay yaraadeen xilligii ugu sarreeyay ee xiisadaha la xiriira Iran, haddana AFRICOM waxay weli ku socotaa inay jabiso rikoodhkii sanadlaha ahaa ee duqeymaha Soomaaliya. Rikoodhkaas waxaa dhigay Donald Trump oo gaaray 124 duqeyn sanadkii hore, isagoo ka sarre maray rikoodhkii hore ee 63 duqeyn oo uu dhigay sanadkii 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here