Darawallada bajaajta ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay mudaharaad ay kaga cabanayaan kororka weyn ee ku yimid qiimaha shidaalka, kaas oo saameyn ku yeeshay shaqadooda iyo noloshooda maalinlaha ah. Mudaharaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa isgoyska Taleex iyo...
Deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo walaalo ah, kadib markii ay isku heysteen guddoomiye waaxeed cusub oo dhawaan uu magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u ambabaxay booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kulanka labada madaxweyne...
Warbixin ay daabacday The Guardian ayaa iftiimisay cabsi iyo cadaadis sii kordhaya oo ay wajahayaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus ee Maraykanka, iyaga oo la kulmaya hanjabaado cunsuriyadeed, hadallo nacayb ah iyo cadaadis...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa lagu wadaa inuu berri safar rasmi ah ku tago dalka Djibouti, kaas oo la qorsheynayo inuu socdo muddo laba maalmood ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo rasmi ah. Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed...
Warar soo baxaya ayaa ku warramaya in Maraykanka uu billaabay qorshe uu ciidankiisa kala baxayo Dalalka Khaliijka Carabta kaddib markii khasaaraha kasoo gaaray duqaynta Iiraan ay kusii korortay goobaha saldhigyada ay ku leeyihiin. Dalalka laga saaray Ciidamada Maraykanka iyo qalabkooda...
Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika, General Claude Tudor Jr, ayaa booqday magaalada Kismaayo, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si ay uga wada hadlaan hawlgallada millatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Kulankan ayaa sidoo...
Somaliland ayaa sheegtay in ay furatay dacwad caalami ah oo ay u gudbisay hay’adda hawada ee Qaramada Midoobay, taas oo ay doonayso in ay kula wareegto maamulka hawadeeda, isla markaana ay kaga gudubto nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) ee Soomaaliya...
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku saabsan isticmaalka codbaahiyaasha masaajidda inta lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda ayaa lagu faray...
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan marka ay dhammaadaan muddo xileedyada hay’adaha federaalka. Goluhu wuxuu xusay in...