Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgal qorsheysan oo ballaaran ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan oo la sheegay in...
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta kaararka codbixinta ee caasimadda Muqdisho, taas oo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada muddada dheer wajahaysay colaado,...
Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda...
In ka badan 60 khabiir oo sirdoon shisheeye ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka carareen Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay sababo la xiriira jebinta xogta, iyagoo ka cabsi qaba inay noqdaan 'bartilmaameedyo siyaasadeed' xaalad siyaasadeed oo...
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sabtida maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo...
1. Doorashada 2026 – Khilaaf Sii Kordhaya Dowladda federaalka iyo mucaaradka weli kama jirto wax heshiis ah oo ku saabsan qaabka doorashada. Dowladda ayaa isku dayeysa inay hore u riixdo qorshaha doorashooyinka waxaana mucaaradku ku tilmaameen mid “hal dhinac ku socda”,...
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u...
Taliska Daraawiishta Jubbaland ee degmada Doolow ayaa soo saaray amarro cusub oo ku socda bulshada ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanka. War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ayaa ka koobnaa...
Ugu yaraan 42 qof ayaa loo maleynayaa inay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay toddobaadkii hore ku degtay xeebaha dalka Libya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM). Toddobo qof oo badbaaday ayaa la helay kaddib...
Markii barta rasmiga ah ee fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya uu si lama filaan ah hawada uga baxay subaxnimadii Isniinta, mas’uuliyiintu waxay ugu yeereen “dayactirka joogtada ah”. Habeenkii, sheekadaasi way burburtay. Hackers-ku waxay sheegteen mas'uuliyadda faragelin ballaaran oo dhanka internetka...