Shil sababay dhimashada Haweeney la sheegay in ay ahayd 60 jir oo lagu magacaabo Maryan Maxamuud Culusow ayaa xalay saq dhexe ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, gaariga shilka galay ayaa rarnaa. Gaariga oo noociisu yahay (Ina-tareey) waxaa la...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si rasmi ah xayiraad dhinaca socdaalka ah ugu soo rogay dhammaan dadka muhaajiriinta ah ee Maraykanka ka soo gala waddamada “Dunida Saddexaad”, kuwaas oo Soomaalidu safka hore kaga jirto, isaga oo si gaar ah...
Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii 2025 shaqada ka joojiyay in ka badan 680 shaqaale, sababo la xiriira yaraanta maalgelinta gargaarka. Sida ay sheegeen ilo kala duwan oo ku dhow arrintan, hay’adaha QM waxay shaqada...
Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal ee Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa dadka degen saamayn taban ku reebay abaar, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaankooda si ay u raadsadaan deegaannada ay ka heli karaan biyo & cunno. Dadkaan Barakacay oo...
Koox aan haybtooda la garan isla markaana hubaysnayd ayaa Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ku dishay Allaha u naxariiste Cabdi Ciise Qooleey oo ahaa nin da’ ah. Dilka kaddib, waxaa goobta ka baxsatay kooxdii dilkaas u...
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa shaaciyay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH Somalia) ay si dhow ula socdaan xaaladda cudurka halista ah ee Marburg, kadib markii dowladda Itoobiya ay xaqiijisay kiisaska laga...
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, ayaa maanta u safray dalka Masar. Wafdigaan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa la...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Idris Maxamed Sheekh (Abuu Cabbaas), oo ah sarkaal sare oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab tan iyo sannadkii 2009, isla markaana hayay jagooyin...
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta billaabay qorshaha ka bixitaankiisa gudaha Soomaaliya, xilli mudada jiritaankiisa ku egtahay ilaa bisha October ee sannadka 2026. Shiraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye...
Maxkamada Racfaanka gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug oo maanta fariisatay racfaankii ay dhawaan soo qaateen qareenada difaacaya rag ku eedeysan iney dileen Hooyo iyo sadex gabdhood oo ay dhashay ayaa ku xukuntay dil toogasho ah. Dilka loo geystay Hooyada iyo...