Dowladda Federaalka ayaa saacadihii la soo dhaafay isku dayaysay in Ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin askar Itoobiyaan ah iyo kuwa Maamulka Jubbaland. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in...
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay saddex waddo oo muhiim ah oo muddo xiranayd sababo la xiriira arrimaha amniga, Waddooyinkan, oo si weyn muhiim ugu ah isu-socodka caasimadda, ayaa qeyb ka ah mashruuca Dowladda...
10 askari oo ka tirsan Ciidanka amniga Puntland ayaa ku geeriyooday, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen qarax lagula eegtay waddada Daraymadoobe, oo u dhaxaysa Qurac iyo Gaatir-Oodan ee ku teedsan togga Jeceel. Askartan qaraxa lala beegsaday ayaa ka tirsanaa...
 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooganaa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, kasoo ka dhacay barqanimadii maanta xaafada Buundoweyn ee magaaladaas. Qaraxaan ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala xaafada Buundoweyn,...
Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Moukhtar Osman Kaire, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminaysay Safiirka Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya,...
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya, oo maalmahan lagu daaweynayay, kadib xaalado caafimaad darro oo soo wajahay. Qaar kamid ah ehellada Raila Odinga ayaa xaqiijiyey geeridiisa, waxaana ay sheegeen...
Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Togga Balcad ee gobolka Bari waxa ay ku soo qabteen nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Haashim Suleyman oo ka tirsan Daacish. Xariga ayaa dhacay intii lagu guda...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka safar ugu baxay dalka Itoobiya, iyadoo xukuumaddu ay safarkiisa ku sheegtay mid salka ku haya kor u qaadista saaxiibtinimada iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya. “Safarka Madaxweynaha Somaliland waa tallaabo loo qaaday dhinaca...
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka kala dhacay Ceelasha Biyaha iyo Dayniile ku soo qabtay kooxo burcad ah oo ku eedeysan inay khal-khal geliyeen amniga iyo dhac u geysteen dadka shacabka ah. Howlgal ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, Ciidanka ayaa...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeedyo la xiriira cayda, aflagaadada, sumcad dilka, isku dirka bulshada, faafinta muuqaallo anshax-xumo, been abuur iyo kicinta bulshada dhexdeeda, kuwaas oo qaar maxkamad la horgeeyay halka kuwo...