Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo...
Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Ingiriiska, ayaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee ay soo rogtay...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefu Woshe.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Geeska...
Xubnaha Mucaaradka Dowladda oo kaashanaya Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta waxaa magaalada Kismaayo uga furmaya shir ay uga hadlayaan sidii ay u mideyn lahaayeen Arragtiyadooda siyaasadeed.
Dhinacyada oo hore uga dhaga adeegay gogol iyo wadashiyo ugu baaqday Dowladda Federaalka...
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gacanta ku dhigay qaraxyo culus oo kooxda Al-shabaab damacsaneyd iney gudaha u soo galiso magaalada Muqdisho.
Taliyaha guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa warbaahinta u sheegay...
Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in xaalad bani’aadannimo oo halis ah ay si degdeg ah ugu soo fool leedahay deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib qiimeyn ballaaran oo ay sameysay wasaaraddu.
War-saxaafadeed...
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mohamed Hussein Oogle ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysoa masiibo qaran oo ka dhalatay hoggaan-xumo, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo oo ay...
Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay wajahayaan dhibaatooyin dhinaca socdaalka ah, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa).
Dubbe waxa uu sheegay in xaaladda fiisaha ay weli...
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay loogu geystay Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho qof shacab ahaa.
Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana marxuumka la dilay lagu mgacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Muuse...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeynta howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulankan ayaa si...









