Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh oo computer ku soo kala saaranaya
Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa computer ku soo kala saaranaya xubnaha u galaya doorashada golaha Deegaanka Khilaafka ka jiro ee Gobolka Banaadir, doorashadaa oo JSP keligood ku tartamayaan. Xisbiga Hassan Sheikh JSP iyo gudigooda doorashada waxay sheegeen in gobolka Banaadir doorashada isku diiwaan geliyeen 923 kun oo qof, balse doorasho hoosaadka xisbiga JSP xubnihiisa codeyn u...
Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo kaabiga ku haaya degmada Jamaame
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa kaabiga ku haaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab. Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalka si garbo siman ah uga wada wadada laamiga ah ee tagta magaalada Jamaame iyo jiinka Webiga Jubba. kooxda Al-shabaab ayaa dhankooda isku dayaya iney ka hortagaan duulaanka ciidamada iskaashanaya...
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-shabaab ay qaadan karaan Kaarka NIRA
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga dalka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay ku amartay xubnaheeda inay isdiiwaangeliyaan, islamarkaana ay qaataan kaararka aqoonsiga qaranka ee NIRA. Madaxweynuhu isagoo ka hadlayay Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, ayuu sheegay inuu arrintan soo dhoweynayo, maadaama diiwaangelinta biometriga ay u fududeynayso dowladda in si buuxda loo garanayo cid kasta oo...
Uganda oo joojisay inay aqoonsi qaxootinimo siiso muwaadiniinta kasoo jeeda Soomaaliya
Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga dalka Uganda, Hilary Onek, ayaa shaaciyay in dowladdu joojisay bixinta aqoonsiga qaxootinimo ee dadka kasoo carara dalalka aan hadda ka jirin dagaal, sida Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya. Go’aankan ayaa yimid iyadoo taageerada deeq-bixiyayaasha ay si weyn hoos ugu dhacayso, halka dadka magangalyo doonka ahi ay weli si joogto ah dalka Uganda ugu soo qulqulayaan. Wasiir Onek...
Wararkii Ugu Dambeeyay Oday 80 jir ah oo aano qabiil darteed loogu dilay duuleedka deegaanka Xalfooley ee gobolka Hiiraan
Wararka ka imaanaya xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta lagu dilay tuulo u dhaxeysa deegaanada Xalfooley iyo Ceel baraf nin waayeel ahaa. Ninka waayeelka ah ee la dilay oo da’diisu lagu sheegay 80 sano ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Xaale Jimcaale, waxaana dilkiisa lala xariiray aargoosi aano qabiil ah. Dilkan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad la sheegay...
Munaasabad ay ka qeyb-galeen madaxda dowladda Jubaland oo lagu qabtay Magaalada kismaayo+Sawirro
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuwuuqul Insaanla ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah u daah-furay ololaha 16-ka Maalmood ee Ka Hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, Caruurta iyo dadka nugul. Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay madaxda dowladda Jubaland oo ay horkaceyso Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, hay’adaha kala duwan ee caalamiga iyo...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo u safray Morocco
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u safray Dalka Morocco ee Waqooyiga Qaaradda Afrika kaddib markii uu martiqaad ka helay Boqorka Dalkaas. Xamsa Cabdi Barre ayaa kamid ah madax ka kala socota 120 Dal oo ka qaybgalaya shirka looga hadlayo isbaddelka Xawliga ku socda ee Siyaasadda Caalamka, Mustaqbalka Amniga, Dhaqaalaha iyo is...
Shil gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay Garowe
Hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland iyo darawal mooto bajaaj ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garowe. Shilka ayaa dhacay kadib markii gaari uu watay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la sheegay inuu qaraabo dhow la yahay madaxweynaha Puntland uu ku dhacay mooto bajaaj abbaare 11: 00pm habeenimo ee xalay. War kasoo baxay Taliska...
Shacabka Muqdisho oo ka cabanayo Lacago xad dhaaf oo xoog looga qaadayo
Dadka xaafadaha magaalada Muqdisho degan ee u tabarta la’ bixinta canshuurta wasaarada maaliyadda iyo tan garab socota ee degmooyinka sida dadban u qaadaan, waxaa u soo kordhay in si khasab ah ay ku bixiyaan lacago kale oo lagu sheegay in wadooyinka xaafadahooda lagu dhigaayo dhagaxa interlock ah. oo dhibaato iyo culays ku ah dadweyne ayaga dawladooda ka sugaya kaalmada...
Afar(4) sano oo ka qasaartay Soomaaliya!.
Afarta (4)sano ee dhammaadka ah oo hoggaanka dalka uu hayay Madaxweyne Xassan Sheikh waa afar sano oo qasaartay sida ay ay qabaan qaar ka mid ah Dadka soomaaliyeed. Waxayna ahayd in lahelo horumar dowladeed, beddelkeedase waxa lahelay dhibaato dowladeed oo aan taariikhda Soomaaliya soo marin. Horumar Dowladeed waa heerka horumarinta iyo hagaajinta ay dowladdu ka sameyso dhammaan adeegyada iyo hay’adaha muhiimka...








