Muuqaal-dubahii Himilo TV, oo Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u daysay, loona diiday in uu qaato qalabkii warbaahinta
Muuqaal-dubaha Himilo TV, Cabdulahi Maxamed Cali “Saawey” oo Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u soo daysay, ayaa maanta si sharci–darro ah loogu diiday in uu qaato qalabkii warbaahinta ee camerada iyo agabka kale ee shaqada, xilli uu dib ugu noqday Saldhigga Yaqshiid. Go’aanka Maxkamaddu waa mid fulin qasab ah, sida uu qabo Qodobka 128-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, hay’adaha fulinta...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal beeleed ka dhacay Shabeelaha Dhexe
Dagaal beeleed sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca in ka badan 2 ruux ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Garaash & Moyko oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Jowhar Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle. Dagaalkaan oo ka dhashay Dhul-daaqsimeed, muranka oo dheeraaday kaddib waxa uu sababay gacan ka hadal galaaftay nolosha mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa sida warbaahinta u...
Hay’adda Tadamun oo fulinaysa mashruuc laga dhagax dhigay Duleedka magaalada Kismaayo
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq iyo Madaxa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Arrimaha Bin-aadantinimada ee Afrika, Dr. Yasid Cabdalla Xaamud ayaa maanta ka dhagax dhigay deegaanka Luglow/Halgan ee duleedka magaalada Kismaayo mashruuca dhismaha 200 guri oo ay wehelayaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha. Hay’adda Tadamun ayaa fulinaysa mashruucan, ayadoo taageero dhaqaale ka heleysa...
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay dad ku eedeysan jirdil iyo dhaawac loo gaystay gabar yar oo 13 jir ah
Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Cabdikariin iyo Shukri Cali oo ku eedeysayn iney jirdil iyo dhaawac u gaysteen gabar yar oo 13 jir ah. Gabadha yar ee jirdilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa lagu magacaaba Caasho Cali, waxayna ku nooleyd guriga labada eedeysane ee...
Puntland oo dil ku xukuntay haweeney dishay gabar 14 jir ah
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay inay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan, oo ahayd gabar 14 jir ah oo gurigeeda kula noolayd. Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib dhageysi saacado badan qaatay oo si toos ah looga daawanayay baraha bulshada. Sidoo kale, maxkamaddu waxay hal sano oo...
Puntland oo bandow kusoo rogtay degaanada ku dhow togga Baallade
Puntland ayaa bandow kusoo rogtay degaannada ku dhow togga Baallade, iyadoo gaadiidka loo fasaxay oo keliya inay saacado kooban u socdaan deegaanka Tasjiic iyo nawaaxigiisa, si looga hortago in sahay qarsoodi ah loo gaarsiiyo kooxda Daacish. Go’aankan ayaa dhacay kaddib markii qaar ka mid ah bulshada deegaanka ay diideen amarka lagu farayay inay ka guuraan goobaha ay ku nool yihiin,...
Deni iyo Axmed Madoobe oo ku heshiiyey soo dhisada Sheekh Shariif
Waxaa mudooyinkii ugu Dambeeyay ka socday magaalada Nairobi ee caasimada kenya waxaa ka socday shirar u dhaxeeyay madaxda mucaaradka iyo sidoo kale Madaxda maamulka goboledyada Dalka qaarkood, Kaas oo lagu Hadlayay Arimaha siyaasada Dalka soomaaliya ee xiligaan cakiran. Dhinaca kale madaxda maamul goboleedyada qaar sida madaxda Puntland .Jubaland iyo madaxweynihi hore ee soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa sidoo kale kawada...
MW Xasan Sheekh Maxamuud oo furaya shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furaya shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ay ka qaybgalayaan culimo dalka iyo dibadda isaga kala timid. Shirka waxaa sanadkaan looga hadlayaa dhibaatooyinka jira iyo sida looga gudbi karo tusaale ahaan Abaaraha, Colaadaha & midnimo la’aanta, waxaana la dhagaysan doonnaa khudbadaha Madaxweynaha iyo Culimada muddada 4ta cisho uu socon doonno. Wasaaradda Awqaafta...
Maxaa ku dhacaya Xildhibaanka, haddii xasaanadda laga qaado?
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu wadaa inay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka weydiisato in xasaanadda laga qaado Xildhibaano ku lug leh colaadda maleeshiyada beelaha ee ku soo noqnoqotay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo deegaanada hoostaga. Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, G/dhexe Axmed Xaaji Cabdullaahi (Kamey) ayaa sheegay in ay jiraan masuuliyiin xasaanad leh, kuwaas...
Shacabka ku nool Degmada jowhar oo Dhibane u ah Al-Shabaab
Xaalad Quus ah ayaa ka Tagaan magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle iyadoo ay istaageen Baabuurtii Ka shaqeyn jirtay Gudaha magaalada jowhar iyo Banaankeeda ka Dib markii Al-Shabaab ay ku soo rogeen xanibaadyo Baabuurtii shidaalka qeyn jirtay magaalada Jowhar. Al-Shabaab ayaa wadda u galay isla markaana xanibaadyo ku soo rogay Baabuurtii shidaalka geyn jirtay jowhar kuwaa oo shidaalka ka soo...









