Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal hay’adda socdaalka oo loo haysta tahriibinta dhalinyarada
Puntland ayaa xirtay sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kana howlgelayay xafiiskeeda magaalada Garowe ee Puntland, kaddib markii lagu eedeeyay inuu gacan siiyay shabakadaha tahriibinta dhalinyarada. Sarkaalkan, oo wararku sheegayaan inuu ahaa ku-xigeenka xafiiska Socdaalka ee Garowe, ayaa lagu tuhmayaa inuu si sharci-darro ah u siiyay dhalinyaro tiro badan baasaboorka Soomaaliga, kuwaas oo markii dambe lagu qabtay...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno adag kasoo saartay dhacdooyinkii naxdinta lahaa ee Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan oo isugu jira dil toogasho ah xabsi ciidan iyo sii deysmo kasoo saartay dilal argagax lahaa oo dhawaan ka dhacay degmada Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Kiiskan ay Maxkamaddu kasoo saartay xukunada kala duwan ayaa ahaa mid si weyn indhaha ugu wada hayeen...
Xagee ka duulaan dayuuradaha Mareykanka ee duqeymaha ka geysta Puntland?
Warbaahinta Middle East Eye, oo horay u tabisay in Bosaso xudun u tahay saadka RSF oo Imaaraadku saldhigyo ka samaysay ayaa hada ku waramaysa in magaaladda Strategy ah ee Bosaso saldhiga Imaaraadku ka samaystay Maraykanku u adeegsado dagaalka ka dhan ah argagixisada caalamiga ah. Warbixinta ayaa sheegtay in Washington ay si adag ugu cadaadinaysa Imaaraadka Carabta in ay joojiyaan hubeynta...
Madaxweynihii hore ee Brazil oo xabsi la dhigay
Madaxweynihii hore ee Dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa xabsi la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay jebinta Xayiraaddii lagu saaray gurigiisa maadaama uu damcay in uu iska furo qalabka looga xiray awqawgiisa ee sheegaya haddii uu xeendaabka ka baxo. Bolsanaro oo ah 70 jir ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day afgambi Militari iyo kicinta Shacabka...
Mid ka mid ah Wasaaradaha DFS oo laga jartay Korontada & biyaha
Biyihii iyo Korontadii ayaa bishan laga jaray Wasaaradda Howlaha guud iyo Guryaynta ee Xukuumadfa federaalka Somalia kadib markii ay wasaaradaas iska bixin waysay kharashaadkii lagu lahaa. Wasiirka Wasaaradaas Cilmi Maxamuud Nuur oo horay ugu soo guuldaraystay horumarinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa mar kale ku fashilmay bixinta Lacagtii biyaha iyo Korontada. Ilo Xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in galabta abaaro 5tii galabnimo laga...
Dhageyso:-Guddoomiye Shuute oo farriin u diray Warbaahinta
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute)" ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalka Dalka soomaaliya .waxaa uu yiri''' Dagaalo Badan oo dhacay Dad la Dilay Dad la dhaawacay iyo Dad lagu xad gudbay kuwo la Barakiciyay waxaa sabab u ahaa wax yaabihii keenay markii la Barary,Hadal qaladan oo uu Dhahay...
Faahfaahino kasoo baxaya muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed. Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Cismaan, kasoo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas...
Dowladda Soomaaliya oo lagu amray inay dib ula noqoto 9-ka xubnood ee EALA Maxkamadda EACJ oo Musuq-maasuq ku heshay
Maxkamadda Sare ee East African Court of Justice (EACJ) ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan taariikhi ah oo ay ku xukumeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dibu ceshato 9-ka xubnood ee ay u soo gudbisay Baarlamaanka Midowga Bariga Afrika (EALA). Go’aankan ayaa yimid kadib markii maxkamaddu ku heshay doorashadii xubnahaas musuq-maasuq, eex iyo nidaam aan hufneyn, taasoo khilaaf weyn dhalisay toddobaadyadii la...
Puntland: Maqaamka Muqdisho cid si gaar ah u sheegan karta ma jirto
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya uu ku cad yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, kaas oo dhigaya in go’aan kama dambays ah laga gaari doono kaddib dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana sharci gaar ah ay ka soo saari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dirir...
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) oo qarka u saaran in ay xeranto
Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Ayaa qarka u saaran in la xeranto ka markii iyo Maxamuud Macalin Cabdulle oo shaqaalaha mushaaarka ka jartay sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah shaqaala laga jartay mushaarka. Musuq Weyn oo uu sameeyay Guddoomiyaha hay'adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sababay in howlaha hay'adda aay istaagaan isla markaana dhaqaalaha hay'adda (SoDMA)...









