Sweden oo xirtay nin Siiriyaan ah oo doonyay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya ka dagaalanta
Sweden ayaa dacwad ku oogtay nin 23 jir ah oo Swedish-Syrian ah, kaas oo lagu eedeeyay dambiyo argagixiso, oo ay ku jiraan isku dayo uu ugu safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish (IS), sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaashu. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu maalgeliyay ama isku dayay inuu maalgeliyo IS isaga oo adeegsanaya cryptocurrencies, iyo inuu xubin ka...
Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Haweeney la sheegay in ay dishay Seygeeda
Booliiska Gobolka Banaadir ayaa howlgal uu ka sameeyay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxa uu kusoo qabtay Faadumo Maxamed Cismaan oo ku eedeysay in ay dishay Ninkeeda/Seygeeda sida hadalka loo dhigay. Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa Degmada Dayniile oo la gaarsiiyay xogta dilka Marxuumka ayaa sameeyay howlgal lagu baadigoobayo haweeneydaan oo ugu dambayn u suuragashay in lasoo...
Dowladda Fedaraalka oo maanta dalka dib ugu soo celisay 165 ruux
Waxaa maanta dalka dib loogu soo celiyay ilaa 165 ruux oo ah muwaadiniin Soomaali ah oo mudo ku xanibnaa dalka Liibiya oo ay ku wajahayeen xaalado adag oo dhanka nolosha ah. Dib u soo celinta dadkaan oo isugu jiray rag, iyo dumar oo ay ku jiraan 27 caruur ah oo aan qaan gaarin, halka 13 ka mid ah dadkan kusoo...
Somaliland oo diyaaradaha ku amartay in rakaabka Hargeysa u socda iyo kuwa ka dhoofaya aan lagu hakin Muqdisho
Xukuumadda Somaliland ayaa diyaaradaha ku amartay in dadka ka dhoofaya Hargeysa ee meel saddexaad u socda, iyo kuwa meel saddexaad kasoo dhoofay ee u socda Hargeysa, aan lagu hakin magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday sababo amni awgeed, isla markaana muwaadiniinta Somaliland ee safarka ah aysan amni ahaan u...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Shuruuc iyo Heshiisyo Muhiim ah
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo kulanka lagu meel mariyey shuruuc, istaraatiijiyado iyo heshiisyo muhiim ah. Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah bulshada, gaar ahaan xuquuqda haweenka, iskaashiga caalamiga ah iyo ka jawaabidda xaaladda abaarta. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dhowr qodob oo miisaan culus leh,...
Cabdifitaax Cali Xasan oo lagu toogtay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Shalay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku toogtay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye oo isla Shalay Maxkamadda gobolka Galgaduud ku riday xukun dil toogasho ah. Ninkan toogashada lagu fuliyay ayaa Maxkamadda gobolka Galgaduud ay sheegtay iney ku heshay cadeymo ku aadan dil bareer ahaa oo uu 16-kii bishan...
Labo Askari oo Ka Tirsan ciidamada Kenya oo Ku Geeriyooday Qarax Miino oo Al-Shabaab Dhigtay Agagaarka Liboi
Labo askari oo ka tirsan cutubka ilaalada xuduudaha Kenya ayaa ku dhintay qarax miino oo ay maleegeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah kadib markii gaarigii ay wateen uu miinada kula qarxay wadada u dhaxaysa Liboi iyo Kulan ee gobolka Garissa, ee waqooyi-bari Kenya. Sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee la hadlay warbaahinta, qaraxu wuxuu dhacay xilli ay ciidamada ku jireen howlgal ay...
Turkiga oo rajo ka muujiyay wada hadallada Ukraine iyo Ruushka
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wadahadallada u dhaxeeya dalalka Ruushka iyo Ukraine ay meel fiican marayaan, isla markaasna rejo laga qabo in lagu guulleysto. Wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Ruushka si loo helo xabbad-joojin degdeg ah iyo nabad waarta. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo Ankara kula kulmay Erdogan ayaa dhankiisa sheegay...
Puntland: Mashaariicda caalamiga ah oo hoos u dhacay 57%
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2026, taas oo muujinaysa hoos-u-dhac ku yimid mashaariicda caalamiga ah iyo qorshaha maalgelinta guud ee dowladda. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Jaamac Jowle, ayaa sheegay in sanadkan kororka ugu weyn uu ka yimid dakhliga gudaha oo kordhay 16%. Si kastaba ha ahaatee, xogta miisaaniyadda ayaa muujinaysa in mashaariicda caalamiga ah ay...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetang’ula. Intii kulanku socday, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa ugu hambalyeeyay Madoobe doorashadii uu ku noqday Guddoomiyaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA Speakers Forum). Sidoo kale waxa uu bogaadiyey...









