Howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

0

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay howgal Xalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Buula madiina oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysna ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku dileen sadex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ku sugnaa...

Golaha Aqalka Sare oo Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho. Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga warbixisay xubnaha guddiga iyo khibradooda, waxayna ka codsatay in ay...

Wararkii ugu Dambeeyay Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

0

Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan. Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish isla markaana ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamadaas. Maraykanka gaar ahaan Taliska...

DHAGEYSO :Maamulka gobolka Hiiraan oo digniin adag u diray dadka hubka sida sharci darada ah ku dhex qaata magaalada Baledweyne

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada amni daro ee ka jirta guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddoomiye Maxamed Xuseen ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda ee hubka sida sharci darada ah ugu dhex wata gudaha magaalada Baledweyne. "Maanta kadib ma ogolin in magaalada lagu...

Puntland oo 7 cishe u qabatay dadka uga guuraan tuulooyinka ku dhow togga Baallade

0

Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow togga Baallade u qabatay toddobo maalmood inay kaga guuraan deegaanka, si ay u goyso sahayda lagu eedeeyo inay gaarto ururka Daacish, oo la sheegay inuu mararka qaar dadka deegaanka ka helo raashin iyo xoolo nool. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyay dadka ku nool deegaanka Tasjiic inay la macaamilaan Daacish, iyagoo sheegay in...

Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo maalintii sadexaad ka socda gobolka Bakool

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalintii sadexaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ka wada deegaanada hoostaga degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool. Howlgaladaan ayaa ah kuwa ciidanka xoogga dalka ay ku doonayaan in kooxdu ay kaga saaraan inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Waajid, si ay u xaqiijiyaan amniga wadada dheer ee isku xirta labadaasi...

MW Tanzania oo Golaha Wasiirrada ka reebtay Wasiirkii Soomaaliga ah ee dhaqaalaha badan dalkaas soo geliya

0

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ku dhawaaqday Xukuumaddeeda ayaa Golaha Wasiirrada waxa ay ka reebtay Xuseen Maxamed Baashe oo Soomaali ah balse ku dhashay Dalkaas kana mid ah Ganacsatada Dalkaas dhaqaalaha badan haysta. Xuseen waxa uu ku dhashay Magaalada Tabora ee Gobolka Nzega Dalka Tanzania 26kii Agoosto sanadkii 1975tii, waxa uu kaalin weyn ku leeyahay waxsoosaarka Dalkaas isaga oo...

Xeer ilaalinta Qaranka oo baareysa muwadin Soomaaliyeed oo laga reebay duulimaadka Turkish Airways

0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay in uu bilaabay baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymo la sheegay in loo geystay muwaadin lagu magacaabo Cabdifitax Axmed Xuseen oo laga reebay duulimaadka Turkish Airlines, isla markaana lagu sameeyay ku-takrifal awoodeed iyo tacadi looga hor istaagay xuquuq dastuuriga ah. War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Xalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka deegaanka Moora gaabeey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa la sheegay in howlgalka lagu dilay sadax ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay howlgalka in ka...

Duqeymo culus iyo weerar toos ah oo lagu qaaday ceelka Baarakalaah oo ah fariisin weyn oo ay Daacish

0

Ciidamada Puntland oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta duqeymo iyo weerar toos ah ku qaaday deegaanka Ceelka Baarakalaah, oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan ururka Daacish. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqaynta uu Maraykanku ka fuliyay halkaasi ay ka mid tahay kuwii ugu xoogga badnaa ee lagu...