Galmudug oo sheegtay in Maxkamad lasoo taagayo Nin ku eedeysan in uu dil ka gaystay Guriceel
Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Nin ku eedeysan in uu dil bareer ah u gaystay Ganacsade Deeq Cabdi Jaamac oo dhanka kale kamid ahaa Dhallinyarada Degmada Guriceel. Booliiska ayaa ku guulaystay soo qabashada ninkaas dilka ku eedeysan iyo qori noociisu yahay AK47 oo uu watay una adeegsaday dilka Marxuum Deeq Cabdi Jaamac sida lagu sheegay war...
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Ku Baaqay Wada-tashi Qaran oo Deg-deg ah si Loo Badbaadiyo Midnimada Dalka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook ku muujiyey walaaca sii kordhaya oo uu sheegay inuu ka dhex jiro hayโadaha siyaasadda dalka, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya wali la daala dhaceyso caqabado culus oo u baahan xal qaran oo mideeya. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in aan weli dalka helin hoggaan danta guud...
In ka badan 32 qof oo ku geeriyootay miino ay ku qarxinayeen dhul laga qodo macdanta
Tobanneeyo ruux ayaa ku geeriyootay miino ay ku qarxinayeen dhul laga qodo macdanta oo ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DR Congo) sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo katirsan kooxaha gurmadka fidiyay. Warar is dhaafsan ayaa kasoo baxaya tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay qaraxaan, wararka qaar ayaa sheegaya in diiwaanka la geliyay 35 qof wallow ay jiraan warbixinno...
๐๐ผ๐ผ๐น๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ ๐ด๐ฒ๐ฒ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ
Gobolka geeska Afrika ayaa wajahaya waqti colaaddu sare martay , hal khalad oo dhacana gobolka wuxuu geli karaa dagaal, sabab la xiriirta hadallada adag iyo dhaqdhaqaaqyada isbahaysi ee ka socda gobolka, xaaladan oo xataa soo jiidatay dalal ka fog gobolka oo sirdoonkoodu maalinle u bixinayo warbixinno ay digniin ka buuxdo. In ka badan 25 sanno kadib, hawada gobolka waxaa buuxiyay...
Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta rakaabka isticmaalay Barnaamijka E-TAS
Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xaqiijisay in la jabsaday xogta qaar ka mid ah rakaabka isticmaalay Barnaamijka E-TAS oo ay dhawaan soo kordhisay Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Warsaxafadeed ay soo saartay Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xad gudub sharci darro ah lagu beegsaday nidaamka E-TAS, islamarkaana hayโaddu si deg deg ah...
Howlgallo lagu dilay in kabadan 50 Dagaalame Al shabaab ah oo ka dhacay Jamaame
Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgal qorsheysan oo ballaaran ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan oo la sheegay in si heer sare ah loo qorsheynayey ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Muse-Xaaji, Arare, Kobon, Bangeeni, iyo Maleyleey...
Bixinta Kaararka Codbixinta ee doorashada golaha Degaanka Gobolka Banaadir oo ka bilaabmay Muqdisho
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta kaararka codbixinta ee caasimadda Muqdisho, taas oo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada muddada dheer wajahaysay colaado, barakac iyo hubanti laโaan siyaasadeed. Bixinta kaararka ayaa si habsami leh uga bilaabatay degmooyinka Xamarjajab, Waaberi, Shangaani, Xamarweyne, Boondheere, Cabdiaziz iyo...
Booliiska Puntland oo ka hadlay gabar 14 jir ah oo lagu dilay Gaalkacyo
Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda la helay, waxaana booliisku uu sheegay in la horgeyn doono Maxkamadda. Marxuumadda ayaa ku noolayd oo shaqaale ka ahayd guriga eedeysanaha...
Khabiiro sirdoon oo ajnabi ah oo ka cararay Soomaaliya kadib markii xogta la jabiyay ay kashiftay 35,000 oo qof
In ka badan 60 khabiir oo sirdoon shisheeye ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka carareen Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay sababo la xiriira jebinta xogta, iyagoo ka cabsi qaba inay noqdaan 'bartilmaameedyo siyaasadeed' xaalad siyaasadeed oo kacsan. Jebinta xogta, oo la soo wariyay 11-kii Nofembar, ayaa saamaysay in ka badan 35,000 oo dalbaday fiisaha elektaroonigga ah oo...
Guddoomiye Mungaab oo dhagax dhigay dhismaha 18 Xarumood
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sabtida maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhamaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho. Munaasabadda dhagax-dhigga Mashruuca caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH)...









