Soomaaliya oo sheegtay in taageeradii beesha Caalamka ee yaraatay ay saameyn ku yeelatay kobaca dhaqaalaha Dalka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn. Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu diiwaangeliyay koboc dhan 4% sanadka...
Taliska Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow Oo Soo Saaray Amarro Cusub Oo Lagu Adkaynayo Amniga
Taliska Daraawiishta Jubbaland ee degmada Doolow ayaa soo saaray amarro cusub oo ku socda bulshada ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanka. War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ayaa ka koobnaa qodobo dhowr ah sida in Gaadiidka ku shaqeeya beeselka La siin doono oggolaansho wixii ka bilaabma, Gawaarida oo aan loo...
Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali oo la la’yahay
Ugu yaraan 42 qof ayaa loo maleynayaa inay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay toddobaadkii hore ku degtay xeebaha dalka Libya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM). Toddobo qof oo badbaaday ayaa la helay kaddib markii matoorka doonta uu cillad ku yimid, xilli hirar xooggan jireen waaberigii 3-dii Noofambar, dhowr saacadood markii ay ka baxday...
fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya uu si lama filaan ah hawada uga baxay
Markii barta rasmiga ah ee fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya uu si lama filaan ah hawada uga baxay subaxnimadii Isniinta, mas’uuliyiintu waxay ugu yeereen “dayactirka joogtada ah”. Habeenkii, sheekadaasi way burburtay. Hackers-ku waxay sheegteen mas'uuliyadda faragelin ballaaran oo dhanka internetka ah oo lagu galay etas.gov.so, nidaamka qaran-ku-galka elektaroonigga ah ee Soomaaliya - weerar ay ku calaamadeeyeen "The Digital Heist." Waxay...
Dowladda Mareykanka oo 43 maalin ka dib billaabeysa bixinta mushaaradka iyo howlaha hakadka galay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dib loogu furayo howlaha hay’adaha dowladda oo hakad ku jiray muddo 43 maalmood ah. Hakadkan ayaa bilowday kadib markii Madaxweyne Trump iyo Baarlamaanka ay isku khilaafeen miisaaniyadda dhismaha derbiga uu doonayay in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico. Khilaafkan ayaa sababay in ay istaagaan kharashaadka ay heli jireen hay’ado ka tirsan Dowladda Mareykanka. Sharcigan cusub...
Kenya oo loo doortay kursigii ay Soomaaliya ku lahayd Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda
Qareen Kenyan ah oo lagu magacaabo Phoebe Okowa ayaa Arbacadii loo doortay garsoore ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), si ay u buuxiso booskii uu banneeyay Abdulqawi Yusuf oo u dhashay Soomaaliya, kaas oo iscasilay isagoo xilka ka degay 30-kii Sebteembar. Okowa waxay shaqada hayn doontaa inta ka dhiman muddo-xileedkii Abdul Qawi Yusuf, taasoo dhammaaneysa 5-ta Febraayo, 2027. Waa...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday warshado iyo masjidka ugu wayn Aljeeriya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqday warshado wax soo saar oo ku yaalla gudaha dalka Aljeeriya, isagoo dhageystay warbixinno la xiriira horumarka ay gaareen. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tagey Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ee dalkaasi oo hadda looga faa’iideysto wax soo saarka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Masaajidka weyn ee...
E-Visa: Muranka fiisaha cusub iyo saamayntiisa
Dawladda federaalka Soomaaliya waxay soo rogtay Nidaam fiise midaysan oo elegtaroonig ah. Kaas oo qasab kaga dhigaya qof kasta oo u safraya Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, in uu internetka ka dalbado isaga oo ka dalbanaya hay'ada socdaalka ee dawladda federaalka. Somaliland waa ay iska diiday siyaasadda fiisaha elegtarooniga ah. iyada oo ku nuuxnuuxsatay: 1- In aanu fiisahaasi ka shaqayn...
Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhex dhalatay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadjirka
Xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhex dhalatay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadjirka (JSP), kadib markii garab kamid ah xisbiga uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu yahay musharaxa rasmiga ah ee xisbiga u taagan duqa caasimadda. Go’aankaas ayaa si weyn loola yaabay, waxaana durba ka horyimid xubno kale...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo qaaday talaabo la xariirta dilalka iyo dagaal beeleedyada ka dhaca Shabeellaha Hoose
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Soomaaliya oo ay wehlinayaan xubno baarayaal ah ayaa tagay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo si buuxdo u la wareegay gal dacwadeed ka dhan ah Kooxo hubaysan oo ku eedeysan dilal arxan darro ah oo ka dhacay gobolkaas. Xubnaha gaaray degmada Wanlaweyn ee la wareegay kiiskan waxaa hoggaaminaayo Xeer Ilaaliye ku...








