Puntland oo dishay sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa miinooyinka
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay dileen ninkii muddooyinkii ugu dambeeyay Daacish u qaabilsanaa miinooyinka, kaas oo la sheegay inuu ka dambeeyay dhowr qarax oo lagu dilay saraakiil ciidan. Ninkan oo lagu sheegay inuu ahaa ajnabi, ayaa lagu toogtay howlgal ay ciidamada ka fuliyeen togga Baallade, kaddib markii ay heleen xog sheegaysa inuu miino dhigay meel u dhow halkaas. Ciidamada...
Dhulka ay Al-Shabaab ka qabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya intii uu xilka hayay Madaxweyne Xasan
Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabtay xukunka Soomaaliya bishii May 2022, dowladda uu hoggaamiyo waxay bilowday dagaal lagu sheegay “xoreyn iyo badbaadin dalka.” Si kastaba ha ahaatee, muddo saddex sano gudahood ah, kooxda Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay dhul ballaaran oo horey uga hoos jiray gacanta dowladda, iyagoo sidoo kale weerarro culus ku qaaday...
Saddex eedeysane oo loo soo xiray dilkii iyo gubistii nin dhimirka la’ ee ka dhacay Wanlaweyn
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo loo heysto dhacdadii argagaxa lahayd ee dhawaan ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo nin dhimirka ka xanuunsanaa lagu dilay kadibna meydkiisa la gubay. Marxuumka oo lagu magacaabay Isxaaq Daa’uud Maxamed, ayaa lagu jir-dilay deegaanka Dudumaay galabnimadii Jimcaha, waxaana muuqaal laga duubay falkaasi naxdinta...
Nin lagu dilay Hargaysa iyo eedaysanihii falka geystay oo baxsaday
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in xalay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum Maxamed Baashe Xasan, ka dib markii uu fal dil ah u geystay eedaysane goobta ka baxsaday. Booliska ayaa sheegay inay fuliyeen hawlgal degdeg ah oo ay ku qabqabteen dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada, iyadoo hadda uu socdo...
Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde oo Shaqo Joojin Sameeyay
Shaqaalaha ka howl-gala garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyagoo ka cabanaya go’aanka shirkadda Favori ee maamusha garoonka oo dhowaan shaqada ka joojisay dhowr ka mid ah shaqaalahooda. Wararka aynu ka heleeyno gudaha Garoonka ayaa sheegaya in shaqaalaha la ceyriyay ay gaarayaan ilaa 15 qof, magacyadooda iyo aqoonsigooda shaqo ayaana lagu soo...
Macawiisley &Kooxda Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud
Ciidamado katirsan Macawiisleyda deegaanka ah ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa weerar ku qaaday xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanno hoostaga Degmadaas. Sida ay sheegeen ilo kala duwan, ciidanka Macawiisleyda oo helay xogta xubnaha katirsan Al-Shabaab ayaa weerar isku waqti dhacay ku qaaday deegaannada kala ah Cali Yabaal, Uubad & Xirsi Cilmi oo dhammaan hoostaga Degmo...
Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay dalalka muwaadiniintooda u safraan Hindiya
Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu badan ee muwaadiniintooda u safraan dalka Hindiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda Dalxiiska ee waddanka Hindiya. Warbixinta ayaa tilmaamaysa in safarrada ay dadka Soomaaliyeed u tageen Hindiya ay kordheen 144% marka la barbar dhigo sanadkii 2019, taasoo ka dhigaysa Soomaaliya dalkii ugu horreeyay ee kororka saddex-lambar ah (triple-digit...
Puntland oo Qatar ku eedeysay inay ka dambeysay dilkii madaxii DP World ee dekedda Boosaaso
Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, oo magaalada Bosaso lagu dilay bishii March ee sanadkii 2019, isla markaana ay taageerto kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa mabaadi’dooda. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in argagixisadii buuraha joogta iyo kuwa ku dhuumaalaysanaya saxaafadda in ay isku mid yihiin, isagoo intaas...
Waa sidee xaalada deegaanka Dudumaaye ee Shalay dagaalka culus uu ka dhacay
Xaalad deganaasho ah aan caga badan ku taagneyn ayaa maanta laga dareemaya tuulada Dudumaaye oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Shalay dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay. Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii Shalay ayaa sheegaya in dhimashada ay tahay ilaa 7 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo...
Amnesty International “Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxay dayaceen kumannaan qof oo abaartu dishey Koonfurta Soomaaliya”
Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ay ku fashilmeen inay ilaaliyaan kumannaan qof oo ka tirsan bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee Koonfurta Soomaaliya, taas oo horseeday in dadkaasi la duudsiyo xuquuqdooda aas-aasiga ah ee cunto, biyo, caafimaad, qoys iyo nolol. Warbixin cusub ayaa daaha ka rogeysa in u dhaxaysay 2020 ilaa 2023,...









