Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Algeria

0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Algeria

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u  ambabaxay magaalada Algiers oo ah Caasimadda dalka Algeria. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Algeria madaxweyne Abdelmadjid Tebboune. Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ee Algeria ayaa la tilmaamau iney qeyb ka tahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka...

Somaliland oo War ka soo saartay Maxaabiista looga heysto Laascaanood

0

Somaliland ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday inay socdaan wadahadalo iyo dedaalo lagu doonayo in lagu siidaayo ciidamada Maamulkaasi kaga xiran Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari Somalia. Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali, oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay dedaal walba ku bixin doonaan sidii ciidamadaasi loo sii dayn lahaa ayna jireen wada-hadalo...

Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Bakool

0

Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Bakool iyo Baay. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay howlgal xalay ka dhacay tuulada Abal oo qiyaastii 21 KM u jirta degmada Xudur in lagu dilay horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Maxamed...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horgeeyay Askar ku eedeysan dhac & dhaawac ay gaysteen

0

Maxkamadda derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa la horgeeyay labo askari iyo wade Mooto Fekon oo ku eedeysan in ay dhac ka gaysteen Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo mid kamid ah askartaas oo bam gacmeed qarxiyay sababay dhaawac sarkaal katirsan ciidanka Booliiska. Askartaan oo la socotay mooto noocda labada lug leh ayaa lagu eedeeyay in ay qaateen...

Sweden oo ciidamo kooban usoo dirtay Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidanka xoogga dalka

0

Dowladda Sweden ayaa dhowaan koox yar oo ciidan ah u dirtay Soomaaliya si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada. Joogitaanka ciidanka Sweden wuxuu ku saleysan yahay martiqaad rasmi ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, waxayna iskaashi la leeyihiin Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM). Hawlgalka oo lagu magacaabo Operation Thunderbird ayaa lagu fulinayaa...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo hortagaya Baarlamaanka si wax looga weydiiyo Hooyo Ku hor foolatay Isbitaalka Banaadir

0

Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Horumarinta Adeegga Bulshada la wadaagay macluumaadka la xiriira Haweeney ku hor foolatay Isbitaalka Banaadir isla markaana weysay daryeelkii ay u baahnayd. Xubnaha Guddiga ayaa Su’aalo weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya sida waxyaabaha uu kusoo arkay markii uu dib u raad-raacay kaamirooyinka Isbitaalka...

Maamulka Degmada Kaaraan oo gacanta kusoo dhigay rag keydinayay maandooriye

0

Maamulka Degmada Kaaraan oo kaashanaya Ciidanka Amniga ee Police Militario ee Degmada Kaaraan ayaa waxa ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen guri ku yaalla Waaxda Nageyle. Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay dhowr jawaan oo xashiish ah kadib markii muddooyinkii dambe bulshada deegaanka ay la wadaageen hay’adaha amniga xog ku saabsan gurigaas oo lagu tuhunsanaa in lagu kaydinayay maandooriyaha. Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa...

Xidlhibaanada golaha shacabka oo dood adag kayeeshay Sharciga dembiyada kufsiga iyo anshax xumada

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulanka 12-aad ee Kalfadhiga 7-aad, kaasoo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen 156 mudane, ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada Kale, iyo qeybinta...

Ciidamada Midowga Yurub oo Badbaadiyay Markab Shidaal Siday oo Weerar Burcad-Badeed kula Kulmay Badda Soomaaliya

0

Ciidamo badeed ka tirsan Midowga Yurub ayaa gudaha u galay markab Shidaal siday oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo la kulmay weerar ay soo qaadeen burcad-badeed ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dhammaan 24-kii shaqaale ee markabka saarnaa ay badqabeen, kaddib markii ay isku xireen qol amni ah oo markabka ku dhexyaalla inta uu...

Faransiiska oo Muwaadiniintiisa cabsi darteed ugala baxaya Dalka Mali

0

Dowladda Faransiiska ayaa war ay soosaartay waxa ay muwadiinteeda ugu baaqday in si degdeg ah uga baxaan Dalkaas kaddib markii Xukuumadda Paris ay cabsi ka muujisay suuragalnimada in Kooxaha Islaamiyiinta ah ay qabsan karaan Dalkaas. Faransiiska ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ugu baaqay in ay si degdeg ah isaga baxaan maadaama ay kordheen xogaha muujinaya in...