Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee JFS oo dacwad u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee JFS ayaa dacwad sharci ah u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taas oo ka dhan ah xubno ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed .Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka Wasaaradda ee lagu ilaalinayo nidaamka iyo sharciga isboortiga dalka, kadib markii la helay xog muujinaysa falal lala xiriirinayo musuq ,tahriibin iyo ku takri-fal awoodeed...
Taliska Ciidanka Danab ee Puntland oo xaqiijiyay in laga goostay mushahaarkii laguna hayo habjabaad joogto ah
Taliska Ciidanka Danab ee Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda jooga uu joojiyay dhammaan xuquuqdoodii iyo mushaarkii ay ku lahaayeen, isla markaana ciidankooda lagu hayo hanjabaad joogto ah. War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay yihiin ciidanka u geeriyooday una dhaawacmay difaaca Puntland, haddana weli ay heegan u yihiin ilaalinta amniga shacabka iyo dalkooda. Ciidanka...
Sheekada igu sawir in ay tahay waxaa cadeyneyso Halka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu taagan yahay
Cabashadi shacabka oo ay xalinteeda ku filneed Wicitaan, waxaa loogu sii daray culees kale iyo saacado shaqo hakin ah si la isugu sawiro. Sheekada igu sawir in ay tahay waxaa cadeyneyso, halka ra’iisul wasaaraha taagan yahay waa meesha laga qaato kaararka daabacan, ciladna kama jirin meesha laga qaato kaarka ee waxeey ka jirtay meesha laga xarooda ee ALbaabka. Cabadaha kaarka NIRA...
Maamulka Hawada Soomaaliya oo uga digay Flydubai ku xad gudubka dal ku galka
Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa uga digtay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai inay si buuxda u buuxiso shuruudaha fiisaha Soomaaliya, ka dib markii la ogaaday in rakaabkii Hargeysa u soo duulay aanu haysan fiisihii elektrooniga ahaa ee loo baahnaa (e-Visa). Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee SCAA Axmed Macallin Xasan...
Burcad badeed Soomaali ah oo isku dayay inay afduubtaan Markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya
Waxaa soo baxay cabsi cusub oo ku saabsan soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliyeed, kaddib markii afar qof oo aan la aqoonsan isku dayeen inay fuulaan markab ganacsi oo ku sugnaa 534 kiiloomitir bari ka xigta magaalada Muqdisho, subaxnimadii Isniinta ee maanta. Hay’adda Howlaha Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in kabtanka markabka uu ku war geliyay in burcad-badeeddu isku dayeen...
Warbixin Qaramada Midoodey loo gudbiyay oo muujisay inuu xoogeystay xiriirka Al shabaab iyo Xuutiyiinta
Warbixin cusub oo ay soo saareen kooxda khubarada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Yemen ayaa shaacisay in uu weli socdo xiriir iyo iskaashi qarsoon oo u dhexeeya Kooxaha Xuutiyiinta, Al-Qaacida iyo Al shabaab. Sida ku xusan warbixinta oo loo gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM António Guterres, khubaradu waxay sheegeen in hoggaamiyeyaal ka tirsan dhinacyadani ay si joogto...
Puntland oo Garowe geysay 300 Askari Booliis ah si ay ula wareegaan Amniga Caasimadda
Puntland ayaa maanta magaalada Garowe geysay in ka badan 300 askari oo booliis ah, kuwaas oo loogu talagalay inay la wareegaan sugidda amniga caasimadda Puntland, xilli ay sanadihii u dambeeyay ay Garowe kusoo badanayeen falalka lidka ku ah amniga shacabka. Ciidamadan oo muddo ku dhow hal sano lagu tababarayay Kulliyadda Ciidanka ee degmada Carmo ayaa ahaa dhalinyaro ka baxday jaamacadaha...
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo xukun ka soo saartay askari ka tirsanaa Nabadsugidda oo lagu eedeeyay dil
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka kiis uu eedeysane ka ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Jubbaland (NISA), kaas oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Aadan Maxamed Madey. Fadhiga maanta ee maxkamadda ayaa ahaa mid lagu soo gabagabeeyay dhageysiga kiiska oo horey laba jeer loo fariistay, waxaana xukunka ku...
Dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay ka dhacay gobolka Galgaduud
Warar dheeraad ayaa laga helaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo Xalay ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, kadib markii Xalay halkaas lagu dilay Hooyo 80 jir aheyd laguna dhaawacay wiilkeeda. Dilka Hooyada 80 jirka aheyd iyo dhaawaca wiilkeeda kadib waxaa deegaankaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray dableyda dilka geysatay iyo maleeshiyaad kale oo ku heyb ahaa...
Ciidamada dowladda Kenya oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Xadka Kenya iyo Soomaaliya
Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Howgalka ciidamadaan ayaa la sheegay inuu yahay ujeedkiisa mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyo xubno ka tirsan kooxda ay ka wadaan deegaanada dhaxa xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Ilo xog ogaal ah...









