Wasaaradda Difaaca Turkiga oo beenisay in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK
Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay warar dhowaan lagu faafiyay baraha warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in diyaaradihii T129 ATAK ee lagu arkay xaflad lagu qabtay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa ka tirsan Howlgalka...
Wararkii ugu Dambeeyay Hooyo da’ ah oo aano qabiil loogu dilay deegaan ka tirsan Galmudug
Wararka ka imaanaya deegaanka Guudoole ee Galmudug ayaa sheegaya in hooyo Madiino, oo qiyaastii 70 jir ahayd, lagu dilay weerar ay geysteen dabley hubeysan xilli ay ku sugneyd gurigeeda, halka wiilkeeda uu ku dhaawacmay rasaasta. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ragga weerarka lagu fuliyay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana uu la xiriiro aano qabiil oo muddooyinkii dambe deegaankaasi ka...
Magaalada Boosaaso oo ku taal xeebta Puntland ee Soomaaliya oo fure u noqotay taageerada Imaaraatka Carabta ee RSF-ta ee Suudaan
Garoonka diyaaradaha Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaa laga maqlayaa dhawaqa diyaarado waaweyn oo laamiga ku garaacaya daafaha magaalada. Daqiiqado ka dib markii ay degtay, diyaaradda waa la aqoonsan karaa. Waa diyaarad nooca IL-76 oo ah nooca xamuulka qaada ee culculus, waxayna ag taagan tahay diyaarad aad isku mid ah. Dadka deegaanka, guuxa diyaaradaha noocaan oo kale ah ayaa ahaa...
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dib u furtay kiiska dilka hooyo iyo saddexdeeda gabdhood ee ka dhacay deegaanka Qayib
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in dib loo furo kiiska dilka naxdinta lahaa ee lagu eedeeyay saddex ruux oo loo haystay dilka hooyo Safiya Daahir Wehliye iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaan hoostaga Qayib bishii hore. Go’aankan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo soo baxay 29-ka Oktoobar 2025, kaasi oo ay Maxkamaddu ku sheegtay in...
Puntland oo digniin adag u dirtay cid kasta oo hub sidata oo aan kamid ahayn hay’adaha amniga
Puntland ayaa digniin xooggan u dirtay cid kaste oo hub sidata oo aan kamid ahayn hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay in aan hadda kaddib laga leex leexan doonin in tallaabo laga qaado. Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay, in ay tallaabo ka qaadidoonaan cid kaste oo hubaysan oo xadkeeda soo dhaafta. Taliyuhu wuxuu tilmaamay in ay go’aan...
DHAGEYSO :Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo balan qaaday inuu wax ka qabanaayo falalka amni daro iyo dhaca dadweynaha
Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo Xalay si rasmi ah ula wareegay xilkaan ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amni xumada ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddoomiye Maxamed Xuseen Carab ayaa xafladii uu Xalay xilka kala wareegaayay guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ka sheegay inuu soo afjaro...
Switzerland oo qorsheyneysa duulimaad qarsoodi ah oo lagu celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed
Switzerland ayaa qorsheyneysa inay si qarsoodi ah ugu celiso Muqdisho dhowr muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo sameynaysa duulimaad qarsoodi ah. Weli lama oga kaalinta ay dowladdu Soomaaliya ku leedahay arrintan. Hay’adda Socdaalka ee Switzerland (SEM) ayaa qorsheyneysa duulimaadyo gaar ah oo lagu celinayo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee aan dooneyn in dalkooda lagu soo celiyo. Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa lagu wadaa inuu dhaco sida...
Wararkii ugu Dambeeyay qarax ka dhacay degmada Afgooye
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo labo qof sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Dad ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose . Ma jirto cid...
Puntland oo joojisay mushaarkii ay siin jirtay ciidamada ka jooga Sool iyo Cayn
Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay joojiyeen mushaaraadkii iyo raashiinkii ay siin jireen ciidamada ku sugan gobolada Sool iyo Cayn, kadib markii deegaanadaasi ay la safteen maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ee dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo sii xoogeysatay xiisada ka dhex aloosan gobolada dalka Soomaaliya oo siyaasad ahaan aad u kala qeybsan. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhinacyada Suudaan isku haya ugu baaqay wadahadal
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan degdeg ah ka yeeshay dil wadareedkii ka dhacay Magaalada Al-Faashir ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa gunaanadkii fadhigaas waxa uu dhinacyada is haya ugu baaqay in ay wadahadlaan. Goluhu waxa uu sheegay in keliya dhibaatooyinka dhacaya looga gudbi karo marka la wada hadlo, sidaas awgeed Qaramada Midoobay ay xoogga saarayso sidii dib loogu billaabi lahaa...









