Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixisay xaaladda amniga guud ee deegaannada Jubaland, iyadoo si gaar ah u sharaxday xaaladda ka dhalatay colaadaha beelaha ee degmada Luuq, waxaana lagu xusay dadaallada socda ee lagu xallinayo xiisaddaas, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo wada-noolaanshaha bulshada. Dhanka kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ka warbixisay xaaladda biyo-yaraanta ee ka jirta qaybo ka...
Kaarka aqoonsiga ee NIRA oo noqday il dhib iyo laaluush dad badan ay kala kulmaan maalin kasta Dadka
NIRA Card Kaarkan oo muhiim u ah helitaanka adeegyada Dowladeed sida dhalashada, baasaboorka, iyo aqoonsiga rasmiga ah, ayaa noqday il dhib iyo laaluush dad badan ay kala kulmaan maalin kasta. Hooyooyin u seexda habeeki iyo arday badan kuna silicsan helida Kaara ayaa jidadka qarkiisa habeenki ku barya. Goobaha laga bixiyo waa kuwo aad u yar, taas oo sababtay in dadku...
Doon ganacsi oo laga leeyahay India oo ku gubtay Xeebaha Soomaaliya
Doon ganacsi oo lagu magacaabo “Fazle Rabbi” (M.S.V. 2192) oo laga leeyahay dalka Indiya ayaa ku gubtay xeebaha Soomaaliya markii dab si lama filaan ah uga kacay qolkii matoorka, taasoo gebi ahaanba baabi'isay markabka. Doontaan ayaa ka ambabaxay dekedda Kismayo isagoo kusii jeeday Dubai, waxaana dabku ka kacay markii uu marayay meel qiyaastii 8 mayl badeed ka baxsan dekedda. Kaptanka iyo...
Ku dhawaad 20 xubnood oo Al-shabaab looga dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay iyo Maleyley, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada...
Jabuuti oo martigelinaysa sannad-guuradii 25-aad ee kasoo wareegtay shirkii taariikhiga ahaa ee Carta
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah martigelisay munaasabado dhowr ah oo lagu xusayay sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegtay shirkii nabadda ee Carta, shirkaas oo ahaa kii 2000-aad ee aasaaska u ahaa dhismihii dowladnimada KMG ah ee Soomaaliya (TNG) kaddib ku dhawaad toban sano oo colaad sokeeye ah. Xafladda oo lagu qabtay magaalada Carta ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweynaha...
UK oo digniin u dirtay maraakiibta ganacsi ee adeegsata biyaha u dhow Xeebaha Soomaaliya
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka u dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii lagu arkay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha tahriibinta ee ay taageerto Iran. War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin...
Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka socdaalka iyo amniga
Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula yeelatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka ee Finland oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’addaas. Kulankan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka xuduudaha, nidaaminta socdaalka, iyo iskaashiga dhinaca la-dagaallanka dambiyada abaabulan. Labada dhinac ayaa sidoo kale...
Itoobiya oo sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay gaadho Badda Cas
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo uu kaga hadlay arrinta Badda Cas, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya sharci ahaan, taariikhi ahaan, juqraafi ahaan, iyo dhaqaale ahaanba ay xaq u leedahay inay gaadho Badda Cas. Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yidhi: “Markaan isweydiinno cidda go’aamisay in Itoobiya laga xanibo...
Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah dadka hurinaya colaadaha beelaha
Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo dadka lagu eedeeyay in ay hurinayaan colaadaha u dhexeeya beelaha, isla markaana dhiirrigeliya rabshadaha iyo dilalka aargoosiga ah. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u Heshiisiinta, ayaa sheegay in...
Uganda oo ciidamo cusub usoo diraysa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Dowladda Uganda ayaa maalmaha soo socda ciidamo cusub u soo diraysa gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM). Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar Ugandha u dhalatay ah oo dhawaan loo diri doono Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya...









