Maxaa xiligan ka soconaya Dalka jabuuti?

0

Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Garaan Dalka Jabuuti, si maalinta Biri ay ugu Qeyb Galaan shir loogu Mahadcelinayo Dowlada Jabuuti kaalintii ay ku laheed jamuuriyadii sedaxaad ee soomaaliya. Dhinaca kale waxaa Dalka Jabuuti ku sugan Madaxda mucaaradka oo ay ka mid yihii madaxweynihii...

IGAD oo shaaca ka qaaday in in ka badan 3.5 milyan oo qof ay ku barakaceen guud ahaan dalalka xubnaha ka ah xaaladaha cimilada

0
IGAD oo shaaca ka qaaday in in ka badan 3.5 milyan oo qof ay ku barakaceen guud ahaan dalalka xubnaha ka ah xaaladaha cimilada

Urur-goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 3.5 milyan oo qof ay ku barakaceen guud ahaan dalalka xubnaha ka ah xaaladaha cimilada, taas oo hoosta ka xariiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in la qaado tallaabo isku xiran oo heer gobol ah si wax looga qabto xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada iyo socdaalka qasabka ah. Sida...

Kenya oo fashilisay weerar argagixiso oo Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka fuliyaan gobolka Garissa

0

Cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ee dalka Kenya ayaa guul weyn ka gaaray howlgal ay ku fashiliyeen weerar argagixiso oo ay maleeshiyada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka fuliyaan deegaanka u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee gobolka Garissa. War kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday kadib markii bulshada deegaanka ay...

Imaaraadka oo lagu eedeeyay inuu jebiyay xayiraadda hubka ee kooxaha hubaysan ee Soomaaliya iyo Liibiya

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) horey u jebiyay xayiraadda hubka ee lagu soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in qalab miltari oo lagu sameeyay UK oo laga iibiyay Imaaraatka lagu arkay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanta u galay kooxaha hubeysan  ee ka hawlgala  Soomaaliya iyo Liibiya. Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Imaaraadku...

Aabe iyo Wiilkiisa oo aano qabiil darteed loogu dilay gobolka Galgaduud

0

Waxaa sii kordhaya dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee ka dhaca inta badan deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo sacaadahii lasoo dhaafay deegaan hoostaga Balanbale lagu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay. Aabaha iyo wiilkiisa la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo Baashi Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale oo...

Madaxweyne Saciid Deni oo kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Madaxweynaha Puntland. Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Puntland Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada...

Puntland oo xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug

0

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan arrintaas ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga & mas’uuliyiin kale. Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa la faray in ay gacan adag ku qabtaan Maleeshiyaadka hubaysan ee dilalka aanooyinka ah ka gaysta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee...

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay degmada Kaxda magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay  kontoroolka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ah mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal...

5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub

0

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo DTM (Displacement Tracking Matrix) ayaa muujisay in inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025, ay 5,435 muhaajiriin Soomaali ah gaareen Yurub, iyagoo u soo maray badda iyo dhulka. Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa koror gaaraya saddex jibbaar marka loo eego tiradii la diiwaangeliyey isla muddadaas sanadkii 2024. Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa lagu arkay dhammaan...

Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka ka qaaday mid kamid ah Wasiiradiisa mid cusubna magacaabay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan. Wareegtada uu soo saaray Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre , ayaa loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu noqdo Saalim Cali Ibrow. “Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu...