Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulmay+Sawirro

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay safar shaqo oo hal maalin ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya,...

Madaxweyne Axmed Madoobe “Madaxweyne Xasanow cid kaa aqbaleyso ma lahan waxaad shalay diideysay”

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayay shirka magaalada Kismaayo uga furmay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inaan madaxweyne Xasan Sheekh laga aqbali doonin wixii uu shalay isaga diidana. "Madaxweyne Xasanow cid kaa aqbaleyso ma lahan waxaad shalay diideysay, sidaan rabo ayaan...

Shirka Mucaaradka oo maanta lagu wado in lagu soo gabagabeeyo Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaar ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa maalintii labaad galay shirka Mucaaradka oo ay uga arrinsanayaan xaaladda Dalka, Dastuurka iyo Doorashada aan weli waqtigeeda la gaarin. Madaxda ka hadashay Furitaanka Shirkaan waxa ay ka jeediyeen khudbaddo dhalliil u badan oo ka dhan ah Dowladda Federaalka, waxa ay tilmaameen in ay hal jiho isugu raaci doonnaan gunnaanadka shirkooda sida...

Cilada amni ee fiisaha cusub ee Soomaaliya oo khatar gelinaysa xogta shakhsiyeed ee kumanaanka qof

0

Shabakadda cusub ee fiisaha elegtarooniga ah ee Soomaaliya ma laha hab-maamuus ammaan oo sax ah, kaas oo laga yaabo inay ka faa’iidaystaan ​​jilayaasha guracan ee doonaya inay soo dejiyaan kumannaan fiisooyin elektaroonig ah oo ay ku jiraan macluumaad xasaasi ah, oo ay ku jiraan faahfaahinta baasaboorka shakhsiyaadka, magacyada buuxa iyo taariikhda dhalashada. Aljazeera waxay xaqiijisay nuglaanshaha nidaamka usbuucan, ka dib...

Dibad-bax ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

0

Waxaa mar kale xiisad culus ay kasoo cusboonaatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysa shaqaalaha ka howlgala garoonka iyo shirkadda Favori. Qaar kamid ah shaqaalaha oo si weyn uga cabanaya maamulka sare ee shirkadda ayaa maanta dibad-bax ka dhigay afaafka hore ee garoonka, iyaga oo sidoo kale sameeyay shaqo joojoojin, si wax looga qabto cabashadooda. Shaqaalaha...

Itoobiya oo baahisay khariidad muujineysa in ay dhulkeeda ku darsatay qeybo kamid ah Soomaaliya

0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyay muuqaal muran dhaliyay oo dhulka dalal ku yaalla Geeska Afrika ku daraya Itoobiya. Muuqaalka ayaa waxaa lagu bandhigay munaasabadda soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Khariidadda ayaa muujineysa in Itoobiya ay ku fidsan tahay dhulal si caalami ah loo aqoonsan yahay in ay ka tirsan...

Shariif oo goordhow ka dagay Kismaayo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga hortagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, halkaas oo lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah. Shariif oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb-galaya shirka Kismaayo ee furmi doono maalinta...

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Nuur Dugle

0

Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah. Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa in weerar culus ay ku qaadeen deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada...

Wasiirka Duulista Somaliland oo arrinta E-Visa kala hadlay xildhibaannada dalka Ingiriiska

0

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Ingiriiska, ayaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in xildhibaannada labada gole ay ka wada hadleen horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska, iyo horumarinta...

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaaladda gobolka

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefu Woshe. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika gaar ahaan arrimaha amniga. Labada mas’uul ayaa adkeeyay in la sii wado wada shaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya, si wax looga...