Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaaladda gobolka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefu Woshe. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika gaar ahaan arrimaha amniga. Labada mas’uul ayaa adkeeyay in la sii wado wada shaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya, si wax looga...
Shirka Mucaaradka ee Kismaayo oo maanta furmaya
Xubnaha Mucaaradka Dowladda oo kaashanaya Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta waxaa magaalada Kismaayo uga furmaya shir ay uga hadlayaan sidii ay u mideyn lahaayeen Arragtiyadooda siyaasadeed. Dhinacyada oo hore uga dhaga adeegay gogol iyo wadashiyo ugu baaqday Dowladda Federaalka ayaa Shirkooda Kismaayo ku muujin doona Ajendayaashooda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay ka doonayaan Dowladda. Kulanka Madashan Mucaaradka ayaa waxaa lagu soo...
Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay qaraxyo culus oo loo soo waday Muqdisho
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gacanta ku dhigay qaraxyo culus oo kooxda Al-shabaab damacsaneyd iney gudaha u soo galiso magaalada Muqdisho. Taliyaha guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa warbaahinta u sheegay in xog ay heleen ciidamadu ay suurtagalisay in deegaanka Lambar 50 ku qabtaan qaraxyo halis badan oo loo waday magaalada...
Koonfur Galbeed oo sheegtay in xaalad Bani’aadannimo oo aad u halis ah ay soo Wajahday deegaanadeeda
Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in xaalad bani’aadannimo oo halis ah ay si degdeg ah ugu soo fool leedahay deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib qiimeyn ballaaran oo ay sameysay wasaaraddu. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada ayaa lagu sheegay in kumannaan qoys ay wajahaan cunto yari daran, biyo la’aan...
Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa masiibo ka dhalatay hoggaan-xumo
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mohamed Hussein Oogle ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysoa masiibo qaran oo ka dhalatay hoggaan-xumo, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo oo ay ka socota soo dhowaynta wafuudda shika Kismaayo, wuxuu sheegay in rajadii laga qabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aysan maanta...
Senator Dubbe oo sheegay in nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya uu dhibaato ku hayo dadka reer Somaliland
Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay wajahayaan dhibaatooyin dhinaca socdaalka ah, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa). Dubbe waxa uu sheegay in xaaladda fiisaha ay weli taagan tahay, isaga oo go’aanka dowladda federaalka ku tilmaamay kii ugu liitay ee ay waligeed gaadho. Waxa uu xusay in...
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay loogu geystay Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho qof shacab ahaa. Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana marxuumka la dilay lagu mgacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Muuse oo dilkisa loo sababeeyay muran soo kala dhex galay isaga iyo askriga. Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika oo ka dooday xaaladda Soomaaliya
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeynta howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee dalka, iyadoo sidoo kale la isla gartay in xaaladda maaliyadeed...
Turkiga oo dib u dhigay taageeradii miisaaniyadeed ee uu siin jiray Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dib u dhac ku yimid kaalmadii miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Turkiga, iyadoo Wasiirka Maaliyaddu xaqiijiyay in lacagtaasi aan weli la helin sanadkan. Wasiir Bixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Turkiga, oo kamid ah saaxiibada safka hore ee Soomaaliya, ayaan weli bixin taageeradii miisaaniyadeed ee sanadlaha ahayd, xilli...
DG Jubbaland oo ciidan dheeraad ah gaysay duleedka Kismaayo
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay Duleedka Magaalada Kismaayo si ay u xoojiyaan Amniga Magaaladaan martigelineysa shirka mucaaradka ee halkaas ka dhacaya sida ay sheegeen ilo kala duwan. Ciidamadaan ayaa lagu xoojiyay askartii horay u baaraysay gaadiidka u gudba Magaalada Kismayo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland si amniga sare ugu qaadaan sida warka loo dhigay. Qaar kamid ah...









