Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu joojiyay wada-shaqeyntii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib baaritaan dheer iyo qiimeyn ay ku samaysay xaaladda guud ee dalka iyo waxa ay ku tilmaantay faragelin toos ah oo kaga imaanaysa dowladda federaalka. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa...

Ciidamo cusub oo ka socda dalka Jabuuti ee AUSSOM oo gaarey Beledweyne

0

Ciidamo cusub oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti, ayaa si rasmi ah u gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan howlgallo amni oo ay ka fulin doonaan magaalooyinka Beledweyne iyo Bulo Burde. Ciidamadan oo ah Guutada 13-aad, ayaa beddelay Guutada 11-aad oo muddo howlgallo...

Wasiir Faarax “Shuhadada Ciidamada Qalabka sida wax aan ugu magacdari doonnaa goobaha Waxbarashada si loo xusuusto”

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in si loo xusuusto saraakiisha ku geeriyootay dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ loogu magac dari doonno Goobaha Waxbarashada. Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in miisaan wayn ay u laahaayeen saraakiishaas iyo ciidamadaas oo laf dhabar u noqday xasiloonida Dalka gaar ahaan Caasimadda iyagana ay naftooda...

Dalal dhowr ah oo raadinaya albaabka ay ka gali lahaayeen qorshaha lagu joojinayo colaadda Bariga Dhexe

0

Dalal badan ayaa wada qorshe cusub oo ku saabsan joojinta colaadda Bariga Dhexe kaddib markii Maraykanka iyo Xulufadiisa Israa’iil ay ku guuldaraystaan xakamaynta gantaallada ka imaanaya Iiraan oo waddamo kale ku dhacaya. Dhowr dal oo Yurub ah iyo kuwo kale oo dhaca Ameerika iyo Aasiya ayaa haatan billaabay kulamo aan bannaanka usoo wada bixin si loo oddoroso qorshaha lagu dhalin...

Maamulka Awdheegle oo uga digay Dowladda Federaalka la wareegidda Kastamka Afgooye

0

Ku-xigeenka Guddoomiyaha degmada Awdheegle, Maxamed Axmed Sheekh, ayaa maanta ka digay cawaaqib xumo amni oo ka dhalan karta haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegto xarunta kastamka ee Afgooye, taasoo ah mid ka mid ah meelaha dakhliga muhiimka u ah gobolka. Maxamed Axmed Sheekh ayaa sheegay in waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho ay u beddeli karto “goob dhimasho ama...

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed oo xanibaad saartay safarka saraakiisha Baydhabo

0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ku wargelisay dhammaan saraakiisha in aysan magaalada Baydhabo uga bixi karin wax safar ah ilaa amar dambe. War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Amarkan lagu soo rogay saraakiisha ay qeyb ka tahay si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida guud ee deegaanada...

Koofur Galbeed oo isku darsatay Abaar & Xiisad Siyaasadeed

0

Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo saamayn taban ku reebtay Abaarta halkaas ka jirta waxaa ugu darsamay Xiisad Siyaasadeed oo u dhaxaysa madaxda Dowlad-Goboleedkaas iyo xubno siyaasad ahaan diidan maamulkaas. Cabsida ka dhalatay xiisaddaas ayaa saamaysay qoysaska Barakacayaasha ah ee qaarkood degen Duleedka & Gudaha Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama ay halkaas u raadsadeen...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Sifeyn ah ka Fuliyay Deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0

iidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay ku warantay idaacadda Ciidanka Militariga Soomaaliya. Howlgalkan oo ahaa mid sifeyn ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka Kumaandooska Danab iyo Kumaandooska Gor-Gor, kuwaas oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Warbaahinta ciidanka Xoogga ayaa...

Puntland iyo Galmudug oo Gaalkaco ku yeeshay kulan ku saabsan xoojinta amniga

0

Guddiyada amniga Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyagoo ka wada hadlay xoojinta amniga iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac ee gobolka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka ee ka hawlgala deegaanada ay wadaagaan labada maamul. Mas’uuliyiinta ka socday guddiyada amniga ayaa...

Alshabaab oo dilay 5 qof oo rayid ah oo ay ku eedeeyeen basaasmimo

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa shan qof ku dishay magaalada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen hay’ado shisheeye iyo kuwa Soomaaliyeed, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilalka lagu fuliyay si fagaare ah, kadib markii kooxda ay ku andacootay in raggaasi ay xog sirdoon u gudbinayeen Dowladda Maraykanka, maamulka Jubaland, iyo Dowladda...