Saraakiisha Ciidamada Federaalka oo kulan ka yeeshay Adkaynta Amniga Baydhabo
Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kulan looga hadlay amniga Magaaladaas, saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa ka shiray sidii loo xoojin lahaa nabadgalyada Xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed. Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa ciidamad ammaanka faray in ay xoojiyaan nabadgalyada Magaalada Baydhabo oo mas’uuliyad wayn ka saaran tahay ilaalinta Bulshada halkaasi...
Duulimaadyadii Ganacsiga ee Koonfur Galbeed oo Dib u Bilaabmay
Duulimaadyadii ganacsiga ee tagi jiray dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib u bilaabmay, kadib hakad uu ku jiray ku dhowaad laba toddobaad oo ka bilowday 18-kii Maarso. Dib u furitaanka duulimaadyada ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Diyaarad ganacsi oo sidday ciidamo...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi wasiiro uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyada oo ay la socdaan qaar kamid ah wasiirrada muhiimka ah ee dowladda gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed. Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow, wasiirka diinta oo sanadkii 2018 laga soo xiray magaalada Baydhabo,...
Kulmiye oo Xukuumadda ku Dhaliilay Wax-ka-qabasho la’aanta Dagaal Beeleedka Galbeedka Somaliland
Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa dhaliilay xukuumadda Somaliland, isaga oo ku eedeeyay in aanay si dhab ah uga hawlgelin joojinta dagaal beeleedka ka socda gobollada galbeedka, kaas oo soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dagaalladan ay gaadheen heer halis ah, isagoo xusay in maalmo ka hor uu dhacay dagaal...
Hay’adda hufnaanta Soomaaliya oo ka digtay khataraha ku xeeran kheyraadka shidaalka Soomaaliya
Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gashay marxalad cusub oo dhanka tamarta ah kaddib markii markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu toddobaadkan soo gaaray biyaha dalka, gaar ahaan goobta ceelka lagu magacaabo Curad-1. War kasoo baxay Transparency Somalia Initiative (TSI) ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujinayso isbeddel muhiim ah, iyadoo dalka uu u gudbayo heer uu si firfircoon...
DFS oo sheegtay in aan la beegsan doonin mas’uuliyiinta Koofur Galbeed iyo wararkii u dambeeyay
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalka ay maanta kula wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, XFS Saadaad Maxamed oo warbaahinta kula hadlay xarruunta taliska qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in aan la beegsan doonin Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed. Sidoo kale, Wasiiru dowlaha ayaa shacabka magaalada Baydhabo ugu baaqay in...
IGAD oo Ku Baaqday Wadahadal iyo Is-xakameyn Xaaladda Koonfur Galbeed
Ururka Goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. War-saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan kororka xiisadaha, iyadoo dhinacyada oo dhan loogu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan...
Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Kuwa Koofur Galbeed oo ka socda Duleedka Baydhabo
Duleedka Magaalada Baydhabo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Mucaaradka Laftagareen iyo Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo kasoo horjeeda. Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii la sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee kaashanaya kuwa Mucaaradka la magac baxay Badbaadada Koofur Galbeed ay dhowr jiho ka weerarreen ciidamada Koofur Galbeed ee la safan maamulka...
Mas’uulkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo isu casilay saameynta dagaalka Iiraan
Madaxii Xarunta Qaranka ee Ka-hortagga Argagixisada Mareykanka ayaa goordhow iscasilay, isagoo si cad u diiday dagaalka Mareykanka ku qaaday dalka Iiraan. Warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay Madaxweyne Trump ayuu ku baahiyay Barta X, isagoo sheegay inuu damiirkiisa siin karin wadida dagaalka Iiraan. “Damiirkaygu ima siinayo inaan taageero dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan. Iiraan khatar dhow kuma ahayn qarankeenna, waxaana cad...
Dowladda Federaalka oo Hakisay Duulimaadyadii tagi jiray magaalada Baydhabo
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hakisay duulimaadyadii rayidka ahaa ee ka bixi jiray Muqdisho una socday magaalada Baydhabo ee caasimadda gobolka Baay, kaddib markii uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Sida ay sheegayaan ilo maxalli ah, ilaa subaxnimadii maanta oo Talaada ah, wax duulimaad ganacsi ah uma suurta gelin inay gaaraan Baydhabo...









