Jabuuti oo guuto ciidan oo cusub u diraysa Soomaaliya si ay uga qayb qaataan Hawlgalka AUSSOM

0

Dowladda Jabuuti ayaa Guutada 13-aad ee “Hiil-Walaal” oo ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida u soo diraysa Soomaaliya, si ay uga qayb qaadato hawlgalka taageerada nabadda. Waxaa la filayaa in ciidamadan ay dalka soo gaaraan 16-ka Maarso. Guutada  13aad ayaa beddeli doonta guutadii 12-aad ee hore uga howl-geli jirtay Soomaaliya, waxaana la filayaa inay ka qayb qaadato howlaha amniga iyo dadaallada...

Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere

0

Dagaal ayaa shalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo mucaarad ah oo isku magacaabay Ciidamada badbaadada Koofur Galbeed. Taliyaha horkacaya Ciidamada Mucaaradka ee ka dagaallamay Qansaxdheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkooda uu salka ku hayo xuquuq ay sheegeen in muddo dheer ay ka maqan tahay. Taliyaha ayaa...

Amiir Turki Al-Faysal “Iiraan si fudud loogama guulaysan doonno”

0

Amiir Turki Al-Faysal oo ahaa ninkii ugu xil haynta dheeraa ee Sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Iiraan uu sanado qaadan karo isla markaana aanay si fudud looga guulaysan doonin Tehran. Waxa uu xusay in marka uu eego niyadda ay Tehran u hayso beegsiga danaha Maraykanka iyo iska caabbinta xooggan ay kala hortagtay dalalka isbahaysanaya in ay...

5 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland oo ku geeriyooday qarax lagula eegtay Calmiskaad

0

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa ku geeriyooday, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta barqaddii ka dhacay jidka isku xira Boosaaso iyo Dhaadaar ee Calmiskaad. Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo marayay halkaasi, waxaana masuuliyadda weerarkaasi loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxda Daacish. Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli  Puntland lagu dhaliilayay inay hoos...

Weerarro Israa’iil ku qaaday caasimadda Lubnaan ee Bayruut oo dad badan lagu dilay

0

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay weerarro cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday caasimadda Lubnaan ee Bayruut iyo koonfurta dalkaas, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan. Weerarradan ayaa qayb ka ah dagaalka sii ballaadhanaya ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay gobolka Bariga Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in weerar ay Israa’iil aroornimadii...

Ciidanka Badda Turkiga oo Isniinta ka dilaabaya xeebaha Soomaaliya hawlgallo amni

0

Ciidanka Badda ee Turkiga ayaa si rasmi ah u bilaabaya hawl-gal ay ku tegi doonaan Soomaaliya Isniinta soo socota. Ugu yaraan afar markab ayaa ka qayb qaadan doona Kooxda Hawl-galka Badda ee Turkiga iyo Soomaaliya, kuwaas oo bixin doona ilaalin badeed. Talaabadan ayaa ah  si loo sugo amniga hawlaha sahaminta iyo horumarinta saliidda iyo gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya, iyo...

Buundada Sabiid & Caanoole oo la duntay Gaari Xamuul ah

0

Buundada Sabiid & Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo dib u dhis lagu sameeyay sannadkii hore isla markaana la xarrig jaray 6dii December 2025 ayaa la duntay Gaari nooca Xamuulka ah. Ilo kala duwan ayaa Warbaahinta u sheegay in Gaari noociisu yahay TM kana mid ah kuwa Xamuulka qaada oo dul marayay Buundada in ay la dul...

Madaxweyne Cirro: “Somaliland waxay u gudubtay marxaladda aqoonsiga caalamiga ah”

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay hadda u gudubtay marxalad cusub oo diiradda lagu saarayo helitaanka aqoonsi caalami ah, kadib markii ay ka gudubtay marxaladihii dhismaha dawladnimada iyo sugidda nabadda gudaha. Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu magaalada Hargeysa ku siiyay wargeyska caalamiga ah ee Financial Times, isaga oo xusay in Somaliland ay...

Darawallada Bajaajta oo ka mudaharaaday qiimaha shidaalka ee Muqdisho

0

Darawallada bajaajta ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay mudaharaad ay kaga cabanayaan kororka weyn ee ku yimid qiimaha shidaalka, kaas oo saameyn ku yeeshay shaqadooda iyo noloshooda maalinlaha ah. Mudaharaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa isgoyska Taleex iyo KM4, halkaas oo darawalladu ay joojiyeen bajaajtooda isla markaana xireen qaybo ka mid ah waddada si ay u muujiyaan cabashadooda. Darawallada...

Dagaal beeleed ka dhacay Shabeelaha Dhexe oo lagu dilay walaalka Xildhibaan Xaadoole

0

Deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo walaalo ah, kadib markii ay isku heysteen guddoomiye waaxeed cusub oo dhawaan uu magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, oo uu ku jiro Muuse Xaadoole, oo ah walaalka xildhibaan Cismaan Xaadoole. Waxaa sidoo...