Taliyaha AUSSOM oo booqday Mubaarak kaddib hawlgalkii looga xoreeyay Al-Shabaab
Taliyaha ciidanka AUSSOM), Gen. Sam Kavuma, ayaa booqday magaalada Mubaarak oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab, si uu u qiimeeyo heerka diyaargarowga dagaal ee ciidamada howlgalka Midowga Afrika iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Booqashadan ayaa timid kadib hawlgal wadajir ah oo lagu xoreeyay magaalooyinka Mubaarak iyo Durasalaam, sida ay sheegeen saraakiil militari. Kavuma ayaa ku ammaanay ciidamada wadajirka ah adkeysiga, geesinimada...
Ururka caalamiga ah ee saxaafadda oo cambaareeyay dilka weriye Abshir Khaliif Shidaane
Ururka caalamiga ah ee International Press Institute (IPI) ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriyaha Soomaaliyeed Abshir Khaliif Shidane, oo toddobaadkii hore lagu dilay magaalada Kismaayo. Ururku wuxuu sheegay in dhacdadani ay tahay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah saxaafadda oo ay ku lug leeyihiin ciidamada ammaanka, isla markaana ay ku jiraan xarig iyo jirdil lagu eedeeyay in...
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay dhaqan galka dastuurka cusub ee dalka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta saxiixay dastuurka cusub ee dalka, kaddib markii 4-tii Maarso ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddoonka labada aqal, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in tallaabadan ay dhammaystirayso marxalad muhiim ah oo uu baarlamaanku ku soo gabagabeeyay dib-u-eegista dastuurka. “Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...
Garsoore Soomaaliyeed oo ku biiray Maxkamadda Caddaaladda Bariga Bulshada Afrika
Abuukaate Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo ah Garsoore Soomaaliyeed ayaa ku biiray Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika, waxaa lagu dhaariyay meertada 25aad ee shir madaxeedka Dallada EAC. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyay Abuukaate Cabdiwaaxid Warsame, waxaana uu katirsan yahay qaybta heerka koowaad ee Maxkamadda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EACJ. Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan...
Cirro oo lagu wado in uu isku shaandhayn xilka uga tuuro qaar kamid ah Wasiirradiisa
Madaxweynaha maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa soo gabagabeeyay wadatashi ku aaddan isku shaandhaynta Golihiisa Wasiirrada oo qaarkood xilka ka tuuri doonno sida wararku sheegayaan. Cabdiraxmaan Cirro ayaa u arka qaar kamid Wasiirrada Xukuumaddiisa in aysan lahayn saamayn muuqata waa marka la eego dhinaco Bulshada iyo bannaanka taasi awgeed ayuu u qaatay go’aankaan sida xogaha ay muujinayaan. Cirro...
Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka oo xilka la wareegay
Taliska Ciidanka Cirka, Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ayaa maanta xilka kala wareegay ahaa Kaaliyaha Taliska Cirka isla markaana ahaa Siihayaha xilka Taliyaha Ciidanka Cirka, Gaashaanle Sare Cali Ibraahim Cabdi. Munaasabad kooban oo ku qabsoontay xarruunta Taliska ayaa waxaa goobjoog ahaa Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Madey Nurey Sheekh (Uforow). Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka...
Nin ku geeriyooday weerar shinni xilli uu ka qeyb galaayey Aaska walaashiis
Dhacdo murugo leh ayaa ka dhacday qabuuraha Sheekh Ooyaaye ee magaalada Jowhar, kadib markii Cali Maxamuud Axmed Talaad (Cali Muran) uu ku geeriyooday weerar shinni oo ka dhacay xilli uu ka qeyb galayay aaska walaashiis Madiino Maxamuud Axmed Talaad. Weerarka shinnida ayaa sababay dhimashada Cali Muran, halka ilaa shan qof oo kale oo goobta joogay ay ku dhaawacmeen. Marxuum Cali Maxamuud...
Dhegeyso: Barnaamijka looga hadlayo wacyigalinta cafimaadka maskaxda iyo bixinta hagitaan iyadoo loo marayo Barnaamijyada Raadiyaha iyo Baraha Bulshada
waxaad ku soo dhawataan barnaamij gaar ah oo looga hadlayo Sidee kor looga qaadi karaa wacyigalinta cafimaadka maskaxda iyo bixinta hagitaan iyadoo loo marayo barnaamijyada7 Raadiyaha iyo Baraha Bulshada Waxaa fulinay Barnaamijka Juba Foundation. Waxana maalgalinaya AFSC waxaa soo jeedinaya salad muuse mahad
MW JFS oo gaaray Tanzania si uu uga qaybgalo Shir madaxeedka EAC
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa barqonimadii maanta gaaray Dalka Tanzania halkaas oo uga qaybgalayo shir madaxeedka meertada 25aad ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC. Waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Tanzania iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas, waxaa loo gudbiyay goobta lagu qabanayo shirka halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dalalka xubnaha...
Kororka Qiimaha Shidaalka Muqdisho oo sababay in lacagaha lagu raaco Gawaari sare u kacaan!
Maanta oo kale todobaadkii hore ayuu qarxay dagaalka saamaynta taban ku reebay guud ahaan Caalamka ee u dhaxeeya Maraykanka oo garab ka helaya Xulufo ay kamid tahay Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan oo iska caabbin kala hortagtay. Xukuumadda Tehran ayaa saacado kaddib waqtigii lagu duullay waxa ay ku dhawaaqday in ay xirtay marinka Hormuuz oo ah 20% goobta uu marayo shidaalka...









