Shir madaxeedka EAC oo maanta ka furmaya Magaalada Caruusha ee Tanzania

0

Magaalada Caruusha ee Dalka Tanzania waxaa maanta ka furmaya meertada 25aad ee shir madaxeedka Dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxaa madaxda ka qaybgalaysa kamid ah Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka inta uu socdo waxaa dhinac soconaya kulamo gaargaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda kala duwan ee EAC iyaga oo kawada arrinsanaya dhowr ajande oo miiska saaran kuwaas...

Madaxweynaha JFS oo u safray Tanzania si uu uga qaybgalo shir madaxeedka EAC

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta ka safray Magaalada Muqdisho isaga oo ka qaybgalaya meertada 25aad ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo berri ka dhacaya Caruusha. Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa qayb ka ah wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka oo lagu wado in ay kulamo la qaataan wasiirrada la socda Madaxda Dalalka xubnaha ka ah...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ku Dhawaaqay muddo kordhin hal sano ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku dhawaaqay in muddo hal sano ah lagu kordhiyay xil-haynta hay’adaha dowladda, kadib markii la meel mariyay dastuur cusub oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda uu noqdo shan sano. Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda ay shaqeyn doonaan muddada uu tilmaamayo dastuurka cusub, isla markaana aan...

Israa’iil oo maanta joojisay in Salaadda Jimcaha lagu Tukado Masjidka Al Aqsaa

0

Maamulka Yuhuudda ayaa soosaaray amar ku saabsan in jimcaha maanta ah la joojiyay in Salaadda Jimcaha lagu tukado Masjidka Al Aqsaa iyada oo sabab uga dhigtay culayska ay kala kulmayso Iiraan oo duqaymo culus ku beegsanaysa dhulka uu maamulkaas haysto. Dad u badan Dhallinyaro oo bilihii u dambeeyay culays xooggan lagu saarayay sidii looga reebi lahaa ku tukashada Masjidkaan ayaa...

James Swan oo loo Magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay ee DR Congo

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo. War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo (MONUSCO), isagoo xilka...

Maamulka Hirshabelle oo Xilalkii Ka Qaaday Mas’uuliyiin Ka Tirsan Buulo Burte

0

Maamulka Hirshabelle ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulo Burte Xasan Maxamed Cabdi iyo Duqii Magaalada Cabdisalaan Cali Maxamed, kadib dhacdooyin la xiriiray xubno ka tirsan shaqaalaha doorashooyinka oo la xirxiray iyo qalabkii diiwaangelinta doorashada oo la qaatay. Wararka laga helayo gudaha Degmada Buule Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tallaabadan ay timid kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad...

Madaxweynaha Galmudug oo isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa wasiirrada

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne oo tirsigiisu yahay Lr. 299, kaas oo lagu magacaabay Wasiirro, Wasiir-dowle iyo Wasiir ku-xigeenno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Fulinta ee Galmudug. Magacaabistan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweynuhu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlaha xafiisyada dowladda, isagoo eegaya aqoonta iyo...

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gurmadka abaaraha iyo casriyeynta adeegyada dowladda. Golaha ayaa dood iyo falanqayn dheer ka dib, cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobo...

Sicir Barar Ku Yimid Shidaalka Suuqyada magaalada Boosaaso

0

Waxaa sare u kac laga dareemayaa qiimaha shidaalka ee suuqyada magaalada Bosaso, iyadoo sicirka fuustada shidaalka uu si muuqata uga kordhay qiimihii shalay. Sicirka Shidaalka ee Shalay: Fuusto Naafto: $116 Fuusto Batrool: $142 Sicirka Shidaalka ee Maanta: Fuusto Naafto: $138 Fuusto Batrool: $160 Kororka qiimaha ayaa muujinaya sicir barar degdeg ah, iyadoo fuustada naaftada ay kor u kacday $22, halka batroolkuna uu kordhay $18 hal maalin...

Farmaajo oo Digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo uga digay in wax-ka-beddel dastuur oo hal dhinac ah iyo qorshayaal doorasho oo muran dhaliyay ay dalka gelin karaan xaalad khatar ah. Farmaajo ayaa sheegay in marka uu dhammaado mudda xileedka madaxweynaha oo la sheegay inay ka harsan tahay qiyaastii...