Iiraan oo beenisay in ay gantaal ku weerartay Turkiga

0

Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Iiraan ayaa beeniyay in ay gantaal ku weerareen Turkiga, iyagoo ku adkeystay in ay inay ixtiraamayaan madaxbannaanida iyo darisnimada dalka Turkiga. War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada Iiraan, laguna baahiyay warbaahinta dawladda ayaa lagu xaqiijiyay inuusan jirin gantaal nooca ballistic-ga ah oo laga soo riday gudaha Iiraan, kaasi oo gaarey Turkiga. Gantaalka ayaa la...

DFS oo sheegtay in ay hirgalineyso Dastuurka dalka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay in dowladddu ay guda-galayso wejiga hirgelinta iyo dhaqan-galka qodobbada Dastuurka ee ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabada ansixinta ay ahayd guul taariikhi ah oo dalka ka saaraysa nidaamkii Kumeel-gaarka ahaa, balse hadda la joogo waqtigii tallaabadaas loo beddeli lahaa ficil dhab...

Gollaha Mustaqbalka oo ugu baaqay Maamulada dalka saamileyda siyaasada iyo Hoggaanka barlamaanka in ilaaliyaay dastuurka.

0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si cad u diiday wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in habka lagu fuliyey uu jebiyey shuruucda dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba meelood laba (2/3) ee labada Aqal. Golahu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, laguna beddeli karin rabitaan siyaasadeed oo cid gaar...

Jabuuti Afar Carruur ah oo Lagu Dilay Weerar Ay Fulisay Diyaarad Daroon ah

0

Afar carruur ah ayaa ku naf waayay qarax ka dhacay koonfurta dalka Jabuuti, oo masuuliyiinta dowladu ay sheegeen in la tuhunsanyahay in ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, sida ay warisay Addis Standard oo xiganaya AFP. Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Xasan Maxamed Xasan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaraxu ka dhacay gobolka Dikhil ee dhulka Canfarta. Wuxuu...

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay dhammeystirka dib u eegista Dastuurka Dalka

0

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay ansixinta dhammeystirka dib u eegista Dastuurka dalka, kaas oo qabyo ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii. Baarlamaanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay Cutubyada 4-aad ilaa 13-aad ee Dastuurka Soomaaliyeed oo muddo dheer ahaa qabyo ahaa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo kulanka shir-guddoominayay,...

Jubbaland oo sheegtay in deegaannada ay maamusho aanay ka dhaqangeli doonnin Dastuurka Dalka haddii wax ka baddel lagu sameey

0

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in haddii maanta uu Baarlamaanka 11aad ee Federaalka ansixiyo Dastuurka wax ka baddelka lagu sameeyay uusan ka dhaqangeli doonnin deegaannada maamulkaas uu maamulo. Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaleeceeyay tallaabada wax ka baddelka loogu sameeyay Dastuurka Dalka oo ugu dambayn maanta horyaalla codaynta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Jubaland waxa ay caddeynaysaa in aysan...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo xilkaas iska casilay

0

Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo Warbaahinta xalay waqti dambe la hadlay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Caynaanshe oo deegaan doorashadiisu tahay Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu isu casilay sababo la xiriira doodda ka dhex jirta Federaalka iyo maamulka ku metalo Dowladda Dhexe sida...

Booliiska Soomaaliya oo faahfaahiyay sababta loo xiray Lataliyaha Siciid Deni

0

Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta loo fuliyay howlgal ka dhacay Xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo lagu soo xiray Lataliyaha Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre. Booliiska ayaa Axmed Hurre ku eedeeyay in uu ku howlahaa falal amniga lid ku ah sida uu hadalka u dhigay, waxa uu intaas ku daray...

Kismaayo: Sarkaal Boolis ah oo loo xiray dilka Wariye

0

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa la xiray kadib markii uu si toos ah u dilay wariye caan ah oo lagu magacaabay Abshir Khaliif Shide Omar, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta iyo warbaahinta Jubaland. Dilka ayaa ka dhacay fiidnimadii Isniinta, magaalada Kismaayo, ka dib markii muran gaaban uu dhexmaray wariyaha iyo sarkaalkan. Sababta rasmiga ah ee uu sarkaalka u toogtay wariyaha...

Golaha Wakiillada Jubbaland iyo Xildhibaannada Heer Federaal oo Kulan Wada-tashi Leh

0

Kismaayo waxaa hadda ka socda kulan aan caadi ahayn oo u dhexeeya Golaha Wakiillada Jubbaland iyo xildhibaannada maamulkaasi ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulankan oo si gaar ah loogu tilmaamay mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqif mideysan oo ay qaadan karaan mas’uuliyiinta ka soo jeeda Jubbaland. Fadhigan oo ah kalfadhiga labaad, isla markaana ah...