Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaanada Daarusalaam iyo Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xooga oo kaashanaya ciidamada AUSSOM , gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Uganda , ay saacadihii la soo dhaafay si rasmi ah ula wareegeen gacan-ku-haynta deegaannada Daarusalaam iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo horey gabaad iyo xarumo istiraatiiji ah ugu lahaa Al-Shabaab. Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in...

Maraykanka oo dhaqaale xooggan geliyay Dagaalka ka dhanka ah Iiraan

0

Dalka Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan geliyay duullaanka ay iska kaashadeen Israa’iil iyo Dalal badan oo xulafadiisa ah, waxaana si hordhac ah loosoo bandhigay maalintii koowaad ee 28ka Febaraayo 2026 lacagtii uga baxday duullaankaas. Sida ay ku warrantay Middle East Monitor, Xukuumadda Washington maalintaas koowaad ku bixisay lacag dhan $779 Milyan oo Doollar oo u dhiganta 0.1% Miisaaniyadda Waaxda Difaaca Dalkaas...

Guddoonka Golaha Shacabka oo hor istaagay in ay Muqdisho ka dhoofaan Xildhibaanno u socday Garoowe

0

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu bixiyay amarka lagu hor istaagay Xildhibaanno katirsan Golahaas oo safar u ahaa Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland. Xildhibaannadaan oo deegaan doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa u socday kulan uu isugu yeeray Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni si ay uga arrinsadaan xaaladda dalka sida ku warrameen qaarkood oo la hadlay...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo khadka Taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Jordan

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdallaha II. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo saameynta Duqeymaha ay Iiraan ka fulisay qeybo kamid ah dalka Jordan. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u xaqiijiyay Boqor Cabdalla in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag buuxa u muujinayaan dowladda...

Madaxweyne Deni: Waxaan dalban doonnaa magdhowga iyo khasaarihii ka dhashay xildhibaanada hawada laga celiyay

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka ka dalbanayaan magdhow ku aaddan halistii la geliyay xildhibaannadii shalay hawada laga celiyay, kuwaas oo ku sii jeeday Garowe si ay uga qeybgalaan shir wadatashi ah. Waxa uu sidoo kale xusay dhacdo hore oo ciidankiisa ilaalada ahaa looga celiyay hawada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay tallaabooyinkaasi...

MW Kenya oo 48 saac kaddib cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ku qaadday Dalalka Khaliijka Carabta

0

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa 48 saac kaddib ka hadlay weerarkii jawaabta ah ee Iiraan ay ku qaadday Dalalka Carabta kuwaas oo dhaliyay khasaara isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo hoos u dhac dhaqaale. William Ruto oo u muuqda in uu indha-indhayn ku hayay xaaladda ka taagan Bariga dhexe ayaa ugu danmbayn cambaareeyay weerarka Iiraan ay ku beegsatay Dalalka Khaliijka...

Diyaarad sidday xildhibaanno ka tirsan BF oo dib looga soo celiyay Garoowe

0

Diyaarad sidday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Puntland ayaa goordhow dib looga soo celiyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu ugu yeeray madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Xildhibaannadan ayaa markii hore ka baxay Muqdisho, hase yeeshee daqiiqado uun kadib ayaa diyaaraddii sidday dib loogu soo celiyay garoonka Aadan Cadde, mana cadda illaa iyo hadda sababta...

Axmed Madowe oo xubnaha Xildhibaanada ee Bfs ee jubaland ku casuumay shir aayo ka tashi ah,

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta soo saaray bayaan ayaa u yeeray xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metalaya maamulkaasi, isaga oo labada bishan ku casuumay shir ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in xildhibaannada lala sameyn doono wada-tashi ku aadan...

Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

0

Dowladda Uganda ayaa Lt Col Nathan Akankunda u magacowday taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo ku dhex yaala xerada Xalane ee Muqdisho, isagoo beddelay Col Peter Barigye oo xilka hayay. Taliyaha cusub ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu wareejiyay taliska cutubka United Nations Guard Unit (UNGU...

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarrada Maraykanka iyo Israaiil ku qaadeen dalka Iiraan

0

Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda degdegga ah ee Bariga Dhexe intii uu socday kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya oo ku hadlaysay magaca saddexda dal ee loo yaqaan A3, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Liberia iyo Soomaaliya, ayaa cambaaraysay weerarrada ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen gudaha Iiraan iyo jawaabta...