Iiraan oo xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Khamenei & Hanjabaad culus oo ay dirtay
Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in weerarkii shalay ka dhacay Dalkaas lagu dilay Hoggaamiyihii dalkaas Ayatollah Ali Khamenei iyo xubno kale oo kula sugnaa dhulka qaybta hoose ee sida gaarka ah loogu dhisay gurigiisa. Kahor inta aysan Iiraan Xaqiijin waxaa geerida Khamenei sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, saacado kaddib war kasoo baxay Xukuumadda Tehran ayaa lagu xaqiijiyay iyada oo bayaanka...
Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka safray Muqdisho
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka safray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyaga oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Bixitaanka wafdigan ayaa yimid ka dib markii ay fashilmeen wadahadallo maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday madaxda Golaha Mustaqbalka...
Xildhibaanno ka soo jeeda Buurhakaba oo ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya faragelin siyaasadeed, una gudbiyay cabasho Midowga Afrika
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo matala deegaan-doorashada Buurhakaba ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku howlgala magaca howlgalka Midowga Afrika, inay faragelin ku hayaan arrimaha siyaasadda ee degmada Buurhakaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Warqad ay u direen Guddoomiyaha Guddiga Midowga, xildhibaannadu waxay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Qeybta 3-aad...
Maxaa ka cusub Weerarka ay Isral ku qaaday Iiraan iyo Gantaalo ku dhacay Hoyga Khumeyni
Israa'iil ayaa saaka ku dhawaaqday in ay billowday weerar ay ku tilmaantay “mid ka hortag ah” oo ka dhan ah Iran, iyadoo warbaahinta Iran ay sheegtay in saddex qarax laga maqlay caasimadda Tehran. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Difaaca Israa'iil ayaa sheegtay in weerarku yahay mid horudhac ah oo lagu beegsanayo badhtilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran. Daqiiqado...
Yuganda oo shaacisay in Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya Haddii la xalin waayo Hoos u dhaca Kharasaadka
Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa qaatay go’aan masiiri ah oo ay dhammaan ciidamadooda Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) kaga saarayaan Soomaaliya muddo sanad gudihiis ah, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin caqabadaha soo noqnoqday, oo uu ugu weyn yahay gabaabsiga dhanka dhaqaalaha ee haysta hawlgalka. Sida uu baahiyay wargeyska The Kampala Post oo soo xiganaya ilo...
Ingiriiska, Maraykanka, Canada, Shiinaha, India & Dalal kale oo Muwaadiniintooda ka joojiyay u safarka Iiraan
Dhowr dal ayaa qaatay go’aan culus oo la xiriira in muwaadiniintooda ka joojiyeen in ay u safraan Dalka Iiraan maadaama ay jirto cabsi la xiriirta duullaanka Maraykanka iyo xulafadiisa Israa’iil ay la damacsan yihiin Dalkaas. Dowladaha Go’aankaan qaatay waxaa kamid ah Ingiriiska, Maraykanka, Canada, Shiinaha, Hindiya iyo kuwo kale kuwaas oo dadkooda ugu baaqay in si kooban ay uga joogsadaan...
Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in uu u codeeyo Dastuurka KMG ah ee Dalka
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan cutubyada ugu danbeeya ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo dooddooda lasoo gabagabeeyay maalin kahor. Baarlamaanka oo lagu wado in uu fasax galo inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa la sheegay in kahor fasaxaas in uu u codaynayo cutubyada ka dhiman Dastuurka...
Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii...
Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay gogol lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in toban bisha Abril uu fidin doono gogol ay ku sheegeen mid lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, kaddib markii ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, isla markaana muddo-xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka uu ku egyahay 14-ka Abriil, ay 10-ka Abril. Warkan ayay Golaha Mustaqbalku ku sheegeen war -murtiyeed ka...
Ciidamada Puntland oo dilay nin horey u dil iyo dhaawac uga geystay Galdogob
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa fagaare ku yaalla degmada Galdogob ee gobolka Mudug ku soo bandhigay meydka nin lagu eedeeyay inuu afar habeen ka hor dilay nin shacab ah oo safar ah, isla markaana dhaawacay laba qof oo kale oo shacab ah. Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay isku dayeen inay eedeysanaha...









