Hal nin oo burcad-badeed ah oo ku dhintay iska caabin ka dhalatay weerar lagu qaaday doon kalluumeysi oo ku sugnayd xeebaha Eyl
Hal nin oo burcad badeed ah ayaa ku geeriyooday, dhowr kalena way ku dhaawacmeen kadib markii koox burcad-badeed Soomaali ah ay iska caabin kala kulmeen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran, taasoo ku sugneyd xeebta degmada Eyl. Kooxda burcad-badeedda ayaa isku dayay inay qafaashaan doonta si ay ugu adeegsadaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta shisheeye ee maraya...
Somaliland oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa baaq nabadeed u diray dad dagaal shalay ku dhexmaray deegaannada Waqdariya iyo Shidan ee hoos taga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka dirirtu dhex martay in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay xasuusnaadaan xurmada bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in uu...
Talyaaniga oo Dalal dhaca Waqooyiga Afrika kala kaashanaya xakamaynta Tahriibayaasha
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo xal u noqon kara xakamaynta tahriibayaasha Afrika ka taga ee sanadihii u dambeeyay usii qulqulayay Dalkaas, waxaana ku bixi doonna dhaqaale xooggan oo ay kala kaashanayso dalal dhaca Qaaraddaan. Xukuumadda Roma ayaa sheegtay in halista dhimashada Badda Mediterranean ay korortay sidaas awgeed loo baahan yahay xal waara oo lagu xakamaynayo...
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo shaacisay in 6.5 milyan oo qof oo ku nool dalka ay wajahayaan gaajo daran
Ku dhowaad 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya heerar sare oo gaajo ah, halka in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay. Warbixinta Sugnaanta Cuntada (IPC) ayaa saadaalisay in saddex meelood meel dadka...
Isbadel lagu sameeyay taliska Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib u habeyn ku sameeyay Hoggaanka Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Isbadelka ayaa saameeyay taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji oo loo garan og yahay (Cabdirisaaq Eritrea). Sarkaalkaan ayaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka ee gacanta ku haya Feylka...
Trump oo weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlaib
Madaxweynihii dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale weerar dhinaca afka ah ku qaaday labada Xildhibaan ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka ee kala ah Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlaaib. Qoraal uu bartiisa Truth Social ku baahiyay ayuu labadaasi Xildhibaan ku baaqay in laga tarxiilo dalka Mareykanka, ka dib markii ay ku sheegay in ay ku xadgudbeen sharciga dalkaasi. “Markaad eegto Ilhan...
#NabaddaDhammaan #NabaddaKismaayo #NabaddaSoomaaliya — Si loo helo Soomaaliya ka nabad badan oo barwaaqo ah
#NabaddaDhammaan #NabaddaKismaayo #NabaddaSoomaaliya — Si loo helo Soomaaliya ka nabad badan oo barwaaqo ah
#NabaddaDhammaan #NabaddaKismaayo #NabaddaSoomaaliya — Si loo helo Soomaaliya ka nabad badan oo barwaaqo ah
#NabaddaDhammaan #NabaddaKismaayo #NabaddaSoomaaliya — Si loo helo Soomaaliya ka nabad badan oo barwaaqo ah
Israa’iil oo oggolaansho si rasmi ah u siisay Safiirka Somaliland u fadhiyi doona dalkeeda
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa shaacisay in Dawladda Israa’iil ay si rasmi ah u siisay oggolaanshaha diblomaasiyadeed Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxamed Hagi). Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay daba socoto aasaaska xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland oo la...
Mucaaradka UK oo ku hanjabay haddii ay ku guulaystaan doorashada soo socota in Soomaali badan laga musaafurin doono dalkaas
Xisbiga midigta fog ee Britain ee Reform UK ayaa shaaciyay qorshe cusub oo si weyn u adkeynaya siyaasadda socdaalka, kaas oo ay ku jirto in fiisooyinka laga joojiyo lix dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay, haddii ay ku guuleystaan doorashada guud ee soo socota. Afhayeenka arrimaha gudaha ee xisbiga, Zia Yusuf, ayaa qorshahan ku dhawaaqay khudbad uu ka jeediyay...









