kala aragti duwanaanshaha Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo u muuqda mid sii kala fogeynaya
Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay sii kala fogaanaya iyadoo labada dhinac ay si cad ugu kala aragti duwan yihiin qodobo asaasi ah. Mowqifka Golaha Mustaqbalka 1. Dastuurka Qaranka Golaha Mustaqbalka wuxuu ku adkeysanayaa in Dastuurka ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay dastuurka sharciyeysan ee dalka u yaalla, isla markaana wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo uu ku yimaado heshiis qaran...
Xiisad u dhaxaysa Madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Maamulka Degmadaas oo ka taagan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay
Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa ka taagan Xiisad u dhaxaysa Madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Maamulka Degmadaas, xiisaddaan waxa ay saamayn taban ku reebtay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Magaaladaas. Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu culays xooggan oo siyaasadaysan uu saaray degmadaas sida uu...
Dowladda Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameysay qaar kamid ah diyaaradaha ka howlgalla dalka
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa hakisay shaqada qaar ka mid ah diyaaradaha ka hawlgala Soomaaliya, kaddib kormeerro lagu ogaaday khaladaad farsamo iyo u hoggaansanaan la’aan heerarka ay dejisay hay'adda Duulista adduunka (ICAO). Go’aankan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo badqabka duulimaadyada iyo kalsoonida rakaabka. Tallaabadan ayaa timid kaddib dhacdadii 10-kii Febraayo, markaas oo diyaarad ay maamuleysay Starsky Aviation ay cilad...
Kulamada gaargaarka ah ee Madaxda DF & Mucaaradka oo ka socda Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamada gaargaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ay uga arrinsanayaan qodobada miiska saaran ee la xiriira Doorashada Dalka, Dastuurka iyo sii wadista fadhiyadooda. Shirka oo qabsoomay Arbacadii iyo Khamiistii ayaa Jimcihii hakad galay si labada dhinac ay usoo sameeyaan wadatashi la xiriira arrimaha muhiimka ah ee doodda adag ay isku dhaafsanayaan...
WFP oo ka digtay hakad ku yimaada howlaha gargaar ay kawado Soomaaliya
Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in barnaamijyadeeda gargaar ee badbaadiya nolosha malaayiin qof ay istaagi karaan toddobaadyada soo socda, haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale ku filan oo lagu sii wado kaalmada cuntada iyo nafaqada degdegga ah ee Soomaaliya. Mas’uul sare oo ka tirsan WFP, Ross Smith, oo ah Agaasimaha Diyaargarowga iyo...
Wiil uu dhalay Mugabe oo lagu xiray Koofur Afrika kaddib markii lagu eedeeyay isku day dil
Bellarmine Robert Mugabe oo ah wiilka uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Dalka Zimbabwe ayaa lagu xiray Dalka Koofur Afrika kaddib markii looga shakiyay isku day, waxaana uu wajahaya dacwad ka dhan ah ficilkaas sida lagu xusay warbixinta Booliiska. Wiilkaan oo ah yaraanka Robert Mugabe ayaa jira 28 sano, waxaa loo haystaa guri lagu furay Rasaas oo ku yaalla Magaalada Johannesburg,...
Ciidamada Uganda ee ilaaliya Xafiiska QM ee Muqdisho oo la abaalmariyay
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada ee Arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa billaado guddoonsiiyay Saraakiil iyo Askar u dhashay Dalka Uganda kana mid ah cutubka sida gaarka ah u ilaaliya xafiiskiisa Magaalada Muqdisho. James Swan ayaa ciidamadaan ku tilmaamay in ay si wanaagsan oo aad u sarraysa ay u guteen adkaynta amniga Xafiiskaan iyo xeendaabkiisa sidaas awgeed Qaramada Midoobay ay garatay...
Dowladda Federaalka & Mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah kawada Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ee wadahadalka uga furmay Madaxtooyada Qaranka. Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, kulamadaan waxa ay labada dhinac uga arrinsanayaan qodobada muhiimka ah ee diiradda lagu saarayo wareegga soo socda ee wadaxaajoodka si dhinac weliba uu u xoojisto ajandaha u...
Qarax ka dhacay Magaada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qaybo kamid ah Caasimadda. Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaraxaan la sheegay in uu ahaa mid ka yimid gaari la shaaciyay in uu leeyahay sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya loona badinayo in...
Soomaaliya & Sacuudiga oo ku heshiiyay horumarinta Dekedaha iyo Iskaashiga labada Dal
Dowladaha Soomaaliya & Sacuudiga ayaa ku heshiiyay iskaashi dhowr dhinac ka kooban oo xooggiisa saamaynaya dhinaca Dekedaha, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu dhiggiisa Sacuudiga, Salaax Bin Nassar Aljaasir uu la saxiixday heshiiskaan. Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ku ballamay in ay iska kaashadaan horumarinta Dekedaha, Dhoofka, Maalgashiga, Isdhaafsiga Khibradaha iyo wax weliba oo...









