Maraykanka oo DFS & Mucaaradka ku booriyay in ay isu tanaasulaan

0

War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay wadahadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, waxa ay bogaadisay hannaanka wadahadalka labada dhinac iyada oo ku boorisay in ay isu tanaasulaan. Qoraalka ayaa lagu muujiyay in wadahadalka uu adag yahay sidaas awgeed arrinta miiska saaran oo ah geeddi socodka Dalka loo baahan yahay in la xoojiyo bisaylka siyaasadeed...

Madaxda Dowladda Federaalka & Mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah kawada Muqdisho

0

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa kulamo gar gaar ah kawada Magaalada Muqdisho si ay uga arrinsadaan qodobada labada dhinac ay is hor dhigeen wadahadalkoodii shalay oo aanay jirin war rasmi ah oo kasoo baxay. Mucaaradka ayaa Dowladda Federaalka hordhigay dood la xiriirta in ay qabato Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed si Madaxda haatan maamusha ay...

Raysal wasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay diyaar garow miltari oo ka dhan ah burcad badeedda iyo argigixisada

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay gashay diyaar-garow milatari oo looga hortagayo burcad-badeednimada iyo argagixisada laga bilaabo cirifka Soomaaliya illaa dekedda Massawa ee Eritrea. Raysal wasaare Abiy wuxuu sheegay in tababarrada milatari oo horay uga socday dhulka, buuraha iyo webiyada, hadda lagu daray howlgal badeed. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay la shaqeyn doonto...

Uganda oo sagootisay ciidamo cusub oo loo dirayo Soomaaliya

0

Uganda ayaa si rasmi ah u sagootisay ciidamo cusub oo ka tirsan cutubka 12-aad ee ilaalada Qaramada Midooby, kuwaas oo loo dirayo Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha taageerada nabadda. Xafladda sagootinta ayaa ka dhacday Xarunta Tababarka Nabadda iyo Taageerada Caalamiga ah (IPSO-TC) ee Ssingo. Isagoo la hadlayay ciidamada loo dirayo Soomaaliya, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Dhulka, Maj Gen Joseph Ssemwanga,...

Somaliland oo Mareykanka u soo bandhigtay macdan qaali ah iyo in ay siinayso saldhigyo ciidan

0

Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay Mareykanka la gasho heshiis la xidhiidha khayraadkeeda macdanta, isla markaana ay u oggolaato in Washington saldhigyo ciidan ku yeelato xeebaha Gacanka Cadmeed, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi. Wasiirka ayaa caddeeyay in Somaliland si dhab ah u danaynayso heshiis istiraatiiji ah oo ay la...

Daawo”’Xiisad saaka ka taagan Degmada Heliwaa iyo dadweynaha oo hortaagan kooxda dhul boobka Xasan Sheekh

0

Xiisad ayaa ka Taagan xaafadda buula maaxaay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, Dadka ku nool halkaas ayaa waxaa ay ka cabanayaan in ciidamada Dowlada ay ku wargeliyeen in Dhulkooda sida ugui Dhaqsiyaha Badan ugu Guuraan. Shacabka ayaa adeegsanayay dhagaxyo, halka ciidankuna ay u adeegsadeen rasaas, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la...

Wadahadalka Dowladda Federaalka & Mucaaradka oo goordhow ka furmaya Villa Somalia

0

Waxaa Madaxtooyada Soomaaliya goordhaw gaaray xubnaha Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ay wadahadlayaan iyada oo maanta diiradda la saarayo qodobo ay wadatashi kasoo sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay. Wadahadalkaan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Siyaasadda, Doorashooyinka, Dastuurka iyo kuwo kale waana kuwa loo arko in ay dood badan dhallin karaa maadaama Dowladda Federaalka & Mucaaradka ay ka kala joogaan labo daraf. Shirkaan waxa...

Dowladda Ingiriiska oo dhiirrigelisay in Somaliland iyo Itoobiya gaadhaan heshiis ganacsi

0

Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, Darren Welch, ayaa sheegay in UK ay taageersan tahay horumarka ay gaadhay dekedda Berbera, iyo in la meel mariyo heshiis xamuul oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya, sida uu hore u sheegay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Welch oo waraysi siiyay warbaahinta Itoobiya, ayaa wax laga waydiiyay dadaallada ay Itoobiya ugu jirto...

Madaxweynaha Puntland: “Dastuur ay malmalooqayaan Xasan Sheikh iyo Aadan Madoobe ma noqon karo mid ummaddu wada leedahay”

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay kulan magalada Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah bulshada gobolka Banaadir, ayaa si kulul uga hadlay wax ka beddelka dastuurka federaalka, isaga oo su’aal geliyay cidda uu u adeegayo dastuurka uu sheegay in wax laga badalayo. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dastuurkan aan lagu khasbi karin shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay arkaan...

kala aragti duwanaanshaha Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo u muuqda mid sii kala fogeynaya

0

Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay sii kala fogaanaya iyadoo labada dhinac ay si cad ugu kala aragti duwan yihiin qodobo asaasi ah. Mowqifka Golaha Mustaqbalka 1. Dastuurka Qaranka Golaha Mustaqbalka wuxuu ku adkeysanayaa in Dastuurka ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay dastuurka sharciyeysan ee dalka u yaalla, isla markaana wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo uu ku yimaado heshiis qaran...