Waa imisa tirada Qaxootiga ajnabiga ah ee ku sugan gudaha Somalia?
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Qaxootiga ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan ayaa looga hadlayay saami-qaybsi goboleedka ee Madasha Taageerada Qaxootiga ee IGAD, xaaladda qaxootiga, kuwa dalkooda ku soo laabtay iyo bulshada la nool qaxootiga. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka...
Maxaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada, kaas oo ka qabsoomay xarunta guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay shuruucda horyaalla Baarlamaanka, iyo sidoo kale la xisaabtanka wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, Sidoo kale, Guddomiyaha ayaa guddiga la wadaagay faahfaahin ku saabsan shirkii Guddoomiyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika...
Militeriga Guinea-Bissau oo talada dalkaasi la wareegay iyo khalalaase siyaasadeed oo halkaasi ka taagan
Dalka Guinea-Bissau ayaa wajahaysa qalalaase siyaasadeed kadib markii koox saraakiil ciidan ah ay ku dhawaaqeen in ay si buuxda ula wareegeen awoodda dalka, maalmo kadib markii dalkaasi ay ka qabsoontay doorasho madaxtinimo oo muran badan dhalisay. Saraakiisha ayaa telefishanka Qaranka ka akhriyay bayaan ay ku sheegeen in ay baabi’yeen natiijada doorashada, isla markaasna ilaa amar dambe la xiray dhammaan xuduudaha dhulka,...
Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh oo computer ku soo kala saaranaya
Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa computer ku soo kala saaranaya xubnaha u galaya doorashada golaha Deegaanka Khilaafka ka jiro ee Gobolka Banaadir, doorashadaa oo JSP keligood ku tartamayaan. Xisbiga Hassan Sheikh JSP iyo gudigooda doorashada waxay sheegeen in gobolka Banaadir doorashada isku diiwaan geliyeen 923 kun oo qof, balse doorasho hoosaadka xisbiga JSP xubnihiisa codeyn u...
Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo kaabiga ku haaya degmada Jamaame
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa kaabiga ku haaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab. Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalka si garbo siman ah uga wada wadada laamiga ah ee tagta magaalada Jamaame iyo jiinka Webiga Jubba. kooxda Al-shabaab ayaa dhankooda isku dayaya iney ka hortagaan duulaanka ciidamada iskaashanaya...
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-shabaab ay qaadan karaan Kaarka NIRA
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga dalka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay ku amartay xubnaheeda inay isdiiwaangeliyaan, islamarkaana ay qaataan kaararka aqoonsiga qaranka ee NIRA. Madaxweynuhu isagoo ka hadlayay Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, ayuu sheegay inuu arrintan soo dhoweynayo, maadaama diiwaangelinta biometriga ay u fududeynayso dowladda in si buuxda loo garanayo cid kasta oo...
Uganda oo joojisay inay aqoonsi qaxootinimo siiso muwaadiniinta kasoo jeeda Soomaaliya
Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga dalka Uganda, Hilary Onek, ayaa shaaciyay in dowladdu joojisay bixinta aqoonsiga qaxootinimo ee dadka kasoo carara dalalka aan hadda ka jirin dagaal, sida Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya. Go’aankan ayaa yimid iyadoo taageerada deeq-bixiyayaasha ay si weyn hoos ugu dhacayso, halka dadka magangalyo doonka ahi ay weli si joogto ah dalka Uganda ugu soo qulqulayaan. Wasiir Onek...
Wararkii Ugu Dambeeyay Oday 80 jir ah oo aano qabiil darteed loogu dilay duuleedka deegaanka Xalfooley ee gobolka Hiiraan
Wararka ka imaanaya xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta lagu dilay tuulo u dhaxeysa deegaanada Xalfooley iyo Ceel baraf nin waayeel ahaa. Ninka waayeelka ah ee la dilay oo da’diisu lagu sheegay 80 sano ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Xaale Jimcaale, waxaana dilkiisa lala xariiray aargoosi aano qabiil ah. Dilkan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad la sheegay...
Munaasabad ay ka qeyb-galeen madaxda dowladda Jubaland oo lagu qabtay Magaalada kismaayo+Sawirro
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuwuuqul Insaanla ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah u daah-furay ololaha 16-ka Maalmood ee Ka Hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, Caruurta iyo dadka nugul. Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay madaxda dowladda Jubaland oo ay horkaceyso Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, hay’adaha kala duwan ee caalamiga iyo...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo u safray Morocco
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u safray Dalka Morocco ee Waqooyiga Qaaradda Afrika kaddib markii uu martiqaad ka helay Boqorka Dalkaas. Xamsa Cabdi Barre ayaa kamid ah madax ka kala socota 120 Dal oo ka qaybgalaya shirka looga hadlayo isbaddelka Xawliga ku socda ee Siyaasadda Caalamka, Mustaqbalka Amniga, Dhaqaalaha iyo is...








