Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan
Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in Bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, waxayna ku dhawaaqday in maalinta berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha. Kadib war kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa si rasmi ah caawa taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i’ Labada masjid ee barakeysan...
Wadahadal Taleefan oo Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Dalka Qatar
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka telfoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Tamim bin Xamad Al Thani, oo ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya iyo tan gobolka. Intii uu socday wada-hadalku, labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed sida lagu sheegay bayaan laga soo saaray wada...
Australia oo wadda qorshe Soomaalida looga mamnuucayo inay dalkaas u safraan
Dowladda Australia ayaa lagu eedeeyay in ay waddo qorshe sir ah oo la doonyo si ballaaran loo mamnuuco muhaajiriinta ka imaanaya 37 gobol oo ku yaalla 13 dal, waxaana ka mid ah Soomaaliya iyo Gaza. Qorshahan oo lagu magacaabo “Fortress Australia” ayaa sida ay qortay The Guardian Australia, waxa uu muujinayaa in la diyaariyay liis gobollo lagu eedeeyay inay gacanta...
Nin si khiyaano ah uga dhacay 69 milyan oo Yuuro howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah
Muwaadin u dhashay dalka Spain ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kaddib markii uu iska dhigay bixiye adeeg oo la shaqeeya howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, si uu si khiyaano ah u helo lacago, kaddib baaritaan ay sameysay Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Yurub (EPPO) ee magaalada Madrid, Spain. Arrintaan ayaa waxay ku saabsan tahay lacago loo qoondeeyay Howlgalka...
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland “Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tagaan Villa Soomaaliya”
Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaas oo sheegay in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku qasban yihiin inay tagaan Villa Soomaaliya. Cabdifataax Mukhtaar ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), aysan ku qasbanayn inay aadaan...
Turkiga oo Soomaaliya usoo diray markabkii shidaalka ka qodi lahaa xeebaha Soomaaliya
Dowladda Turkiga ayaa maanta u soo dirtay xeebaha Soomaaliya markabkeeda qodista gunta-dheer ee Cagri Bey dalka, kaas oo wasiirka tamarta Turkigu sheegay in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ay Ankara ka fuliso meel ka baxsan xuduudaheeda badeed. Talaabadan ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ka turjumaysa dadaallada Turkiga ee sahminta shidaalka iyo gaaska. Alparslan Bayraktar...
Madax Dhaqameedka Gobolka Awdal oo Joojiyay Wada-shaqayntii Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland
Guddida Dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal ayaa beeniyay in lasoo xidhay nabada beelaha wada daga Awdal iyo Salal sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland 14-02-2026. Guddidu waxay sheegtay in ay bulshadu si weyn uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeedhay wasiirka, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo aan ka turjumayn xaqiiqada ka jirta deegaannada ay colaaduhu ka dheceen. War-saxaafadeedka...
Maxkamadda CQS oo saaka toogatay Rag ku eedeysan in ay Muqdisho ka gaysteen Dilal & Qaraxyo
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah u fulisay Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) Iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed (Baari, Biibaaye, Sacad) oo loo haystay Dilal & Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Labadaan Xasan Cali ee saaka la toogtay waxaa horay loo horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyada oo dhagaysatay Eedaha ka dhanka ah ee xafiiska Xeer...
Raysal Wasaare Abiy Axmed: Waddan ay ku nool yihiin 130 milyan ma noqon karo bad la’aan
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ku celiyay rabitaanka Itoobiya ee helitaanka Badda Cas, isagoo ku tilmaamay arrin istiraatiiji u ah nolosha waddamada dadka badan leh, intii uu ka hadlayay Shirweynaha 39aad ee Caadiga ahaa ee Midowga Afrika oo Sabtidii la qabtay. Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu ku dooday in waddamada dadka ka badan 130 milyan, sida Itoobiya, ay...
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukunno ka soo saartay Kiiska Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo
Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan, oo labaduba lagu heystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo sanadkii 2025. Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa...









