Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukunno ka soo saartay Kiiska Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo
Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan, oo labaduba lagu heystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo sanadkii 2025. Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa...
Dagaal beeleed dib uga qarxay gobollada Galbeedka Somaliland, xilli la sheegay in nabadda la soo xidhay
Dagaal u dhexeeya ciidamo beeleed ka kala tirsan beelaha wada dega gobollada Somaliland ee Awdal iyo Salal ayaa maanta dib u qarxay, kadib markii shalay uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ku dhawaaqay in heshiis laga gaadhay colaadda. Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa beelaha ay colaadu u dhexayso ugu baaqay in ay colaadda joojiyaan oo...
Masar oo sheegtay inay dhawaan Soomaaliya u soo dirayso ciidamo iyo diyaarado malateri si ay fuliyaan codsiga Soomaaliya
Masar ayaa kaga dhawaaqday shir madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa in ay dhawaan u soo diri doonta Soomaaliya ciidamo iyo diyaarado militari, taasoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatt oo la hadlayay warbaahinta Al Jazeera, ayaa sheegay in dirista ciidamadu ay timid codsi ka yimid Midowga Afrika...
Soomaaliya oo ku biirtay Habraaca Dib-u-eegista Wadajirka Afrika (APRM)
Soomaaliya ayaa noqotay xubinta 45-aad ee ku biirta Habraaca Dib-u-eegista Wadajirka Afrika (APRM), taasoo la sheegay in ay muujinayso sida ay uga go’an tahay horumarinta hufnaanta dimuqraadiyadda iyo isla xisaabtanka hay’adaha, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay Xusuus-qorka Heshiiska ku biirista intii lagu jiray Kalfadhiga 35-aad ee Forum-ka shir madaxeedka Afrika Dawladaha...
Nabad Sugida Jubaland oo sheegtay inay dileen 60 Dagaalame Al-shabaab ah
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland ayaa howlgal gaar ah oo socday muddo afar maalmood ah ka fuliyay Howdka Fog ee Badda Madow, deegaanka Lagta Hola-Wajeer ee Degmada Badhaadhe, halkaas oo lagu jabiyay Kooxda Al-shabaab sida ay tebisay warbaahinta Jubaland Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Nabad Sugida Jubaland, Maxamed Axmed Sabriye “Basaam”, ayaa si qorsheysan loo fuliyay, iyadoo ay hawada...
Qabiilada ay kasoo jeedaan Safiirada iyo Wakiiladda Caalamka ku metela dalka Somalia
1- Khadija Ossoble Ali – Belgium & European Union (Ambassador / Permanent Representative) Hawiye/Mudulood/Abgaal 2- Jabril Ibrahim Abdulle – Kenya (Ambassador) Hawiye/Mudulood/Abgaal. 3- Mohamed Amin Sheikh Osman – Saudi Arabia (Ambassador) Hawiye/Abgaal 4- Salad Ali Jele – Djibouti & IGAD (Ambassador / Permanent Representative) Hawiye/Mudulood/Abgaal 5 - Mohamed Abdullahi – Serbia (Ambassador) Hawiye/Mudulood/Abgaal/. 6- Dahir Hassan Abdi – United States (Ambassador) Hawiye/Mudulood/Udeejeen. 7- Abukar Dahir...
Kumaandooska Gorgor oo Howlgallo Amni Xaqiijin ah ka Fuliyay Deegaanno Hoostaga Raage Ceele
Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeeddadu ahayd sugidda amniga shacabka iyo xasilinta guud ahaan deegaanka. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayay Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar...
Shiinaha oo canshuur dhaaf u samaynaya badeecadaha ay u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah
Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelin doonto nidaam canshuur dhaaf loogu samaynayo badeecadaha ay dalkiisa u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah, kuwaasi oo uu la leeleeyahay xidhiidho diblomaasiyadeed, laga bilaabo 1-da May 2026. Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa Sabtidii baahisay in tallaabadan ay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Warbixinta telefishinka dowladda...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay magaalada Adis Ababab kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga ay wadaagaan sida Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda. “Waxaan maanta kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka aan wadaagno” ayuu yiri Aby Axmed. Madaxweyne Xasan...
UK oo maxkamad soo taagaysa nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Daacish
Dowladda UK ayaa maxkamad soo taagaysa nin looga shakisan yahay inuu yahay Daacish, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka safray UK una baxay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato dagaalada kooxda. Mohamed Farah Mohamoud oo ka soo jeeda magaalada Bristol, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qorsheeyay falal argagixiso islamarkaana uu shan toddobaad ku sugnaa dal Afrikaan ah intii u dhaxeysay...









