Farmaajo oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe, baaqna u diray Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan salaan iyo is-xog wareysi ah oo uu maanta la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee adag ee dalka ka taagan iyo baahida loo qabo wada-tashi...
Warbixin Sirdoon: Saraakiil Suudaani ah oo Tababaraya Kun Askari oo ku sugan Galmudug
Warbixinno sirdoon ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Suudaan ay ka qeyb qaadanayaan tababarka ku dhowaad kun askari oo Soomaali ah oo lagu diyaarinayo deegaannada Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jariirad ku takhasustay arrimaha amniga iyo sirdoonka ee Afrika, heshiis ayaa la sheegay inuu dhex maray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...
Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka 39aad ee Midowga Afrika
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynae Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kala qeyb galaya hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya sida ay madaxtoyadu sheegtay, dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa...
DEG DEG: Madaxii DP World oo la eryay kadib fadeexaddii Epstein
Shirkadda caalamiga ah ee maamusha dekedaha ee DP World ayaa ku dhawaaqday isbeddel weyn oo lagu sameeyay hoggaankeeda sare, kadib markii la shaaciyay xog xasaasi ah oo ku saabsan xiriir hore oo dhex maray madaxii shirkaddaas iyo maalqabeenkii geeriyooday ee loo haystay dembiyada galmada, Jeffrey Epstein. War saxaafadeed kasoo baxay DP World Jimcaha maanta ah ayaa lagu magacaabay Essa Kazim...
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in uu socdo heshiis ganacsi oo Itoobiya dhexmaraya
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu wado dadaallo uu maalgashi ugu raadinayo Somaliland, isaga oo xusay in uu doonayo in uu abuuro deegaan ku habboon maalgashiga, isaga oo soo bandhigay khayraadka kala duwan ee Somaliland qani ku tahay. Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay CNN Business Arabic, ayaa sheegay in dhawaan la soo gabagabeyn doono heshiis...
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo soo dadajiyo ciidamo iyo maalgelin lagu xoojiyo howlgalka AUSSOM
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si adag u adkeeyay baahida loo qabo in la soo dadajiyo helitaanka ciidamo ku filan Soomaaliya iyo maalgelin waarta oo lagu xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo dardargeliyo la-dagaallanka Al-Shabaab. Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in si degdeg...
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo cambaareeyay is hortaag lagu sameeyay Sheikh Shariif iyo Rooble
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay is hortaag ay sheegeen in ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ka qayb geli lahaa kulan Golaha Mustaqbalka oo ay xalay ku lahaayeen Hotel Airport oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo looga arrinsanayey diyaar garowga wada xaajoodka...
Turkiga oo sare u qaaday iskaashiga dhinaca Militariga ah ee Soomaaliya
Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadday iskaashiga dhinaca Militariga ah ee Soomaaliya kaddib markii ay kordheen taageerrada Ciidan iyo tababarka ciidamada cusub ee loo tababarayo Dowladda Federaalka sida ay ku warrameen ilo kala duwan. Diyaaradaha nooca Ciidanka wax u qaada ah oo Dowladda Turkiga leedahay ayaa dhowr jeer soo caga-dhigtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho inkasta oo aan...
Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo maanta soo gaaray Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar iyo xubno kale oo katirsan ururkaas. Ujeedka safarkooda Muqdisho waa sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen horumarinta Luuqadda Carabiga ee Goobaha Waxbarashada Dalka sida ay xaqiijiyeen xunbo katirsan Mas’uuliyiintaan iyo ilo ku dhow. Wasiirka Wasaaradda...
Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kama Nihin ee Dowladnimada Soomaaliya ayaan badbaadineynaa
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu salka ku hayo ilaalinta jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo raadinta xal waara oo looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabad casho ah oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo xildhibaano isku magacaabay xildhibaanada xorta ah ee...









