Ku dhawaad 20 xubnood oo Al-shabaab looga dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay iyo Maleyley, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada...
Jabuuti oo martigelinaysa sannad-guuradii 25-aad ee kasoo wareegtay shirkii taariikhiga ahaa ee Carta
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah martigelisay munaasabado dhowr ah oo lagu xusayay sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegtay shirkii nabadda ee Carta, shirkaas oo ahaa kii 2000-aad ee aasaaska u ahaa dhismihii dowladnimada KMG ah ee Soomaaliya (TNG) kaddib ku dhawaad toban sano oo colaad sokeeye ah. Xafladda oo lagu qabtay magaalada Carta ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweynaha...
UK oo digniin u dirtay maraakiibta ganacsi ee adeegsata biyaha u dhow Xeebaha Soomaaliya
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka u dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii lagu arkay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha tahriibinta ee ay taageerto Iran. War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin...
Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka socdaalka iyo amniga
Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula yeelatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka ee Finland oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’addaas. Kulankan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka xuduudaha, nidaaminta socdaalka, iyo iskaashiga dhinaca la-dagaallanka dambiyada abaabulan. Labada dhinac ayaa sidoo kale...
Itoobiya oo sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay gaadho Badda Cas
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo uu kaga hadlay arrinta Badda Cas, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya sharci ahaan, taariikhi ahaan, juqraafi ahaan, iyo dhaqaale ahaanba ay xaq u leedahay inay gaadho Badda Cas. Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yidhi: “Markaan isweydiinno cidda go’aamisay in Itoobiya laga xanibo...
Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah dadka hurinaya colaadaha beelaha
Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo dadka lagu eedeeyay in ay hurinayaan colaadaha u dhexeeya beelaha, isla markaana dhiirrigeliya rabshadaha iyo dilalka aargoosiga ah. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u Heshiisiinta, ayaa sheegay in...
Uganda oo ciidamo cusub usoo diraysa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Dowladda Uganda ayaa maalmaha soo socda ciidamo cusub u soo diraysa gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM). Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar Ugandha u dhalatay ah oo dhawaan loo diri doono Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya...
Maxaa xiligan ka soconaya Dalka jabuuti?
Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Garaan Dalka Jabuuti, si maalinta Biri ay ugu Qeyb Galaan shir loogu Mahadcelinayo Dowlada Jabuuti kaalintii ay ku laheed jamuuriyadii sedaxaad ee soomaaliya. Dhinaca kale waxaa Dalka Jabuuti ku sugan Madaxda mucaaradka oo ay ka mid yihii madaxweynihii...
IGAD oo shaaca ka qaaday in in ka badan 3.5 milyan oo qof ay ku barakaceen guud ahaan dalalka xubnaha ka ah xaaladaha cimilada
Urur-goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 3.5 milyan oo qof ay ku barakaceen guud ahaan dalalka xubnaha ka ah xaaladaha cimilada, taas oo hoosta ka xariiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in la qaado tallaabo isku xiran oo heer gobol ah si wax looga qabto xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada iyo socdaalka qasabka ah. Sida...
Kenya oo fashilisay weerar argagixiso oo Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka fuliyaan gobolka Garissa
Cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ee dalka Kenya ayaa guul weyn ka gaaray howlgal ay ku fashiliyeen weerar argagixiso oo ay maleeshiyada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka fuliyaan deegaanka u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee gobolka Garissa. War kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday kadib markii bulshada deegaanka ay...









