Imaaraadka oo lagu eedeeyay inuu jebiyay xayiraadda hubka ee kooxaha hubaysan ee Soomaaliya iyo Liibiya
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) horey u jebiyay xayiraadda hubka ee lagu soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in qalab miltari oo lagu sameeyay UK oo laga iibiyay Imaaraatka lagu arkay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanta u galay kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Soomaaliya iyo Liibiya. Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Imaaraadku...
Aabe iyo Wiilkiisa oo aano qabiil darteed loogu dilay gobolka Galgaduud
Waxaa sii kordhaya dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee ka dhaca inta badan deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo sacaadahii lasoo dhaafay deegaan hoostaga Balanbale lagu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay. Aabaha iyo wiilkiisa la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo Baashi Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale oo...
Madaxweyne Saciid Deni oo kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Madaxweynaha Puntland. Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Puntland Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada...
Puntland oo xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan arrintaas ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga & mas’uuliyiin kale. Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa la faray in ay gacan adag ku qabtaan Maleeshiyaadka hubaysan ee dilalka aanooyinka ah ka gaysta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee...
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay degmada Kaxda magaalada Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay kontoroolka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ah mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal...
5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo DTM (Displacement Tracking Matrix) ayaa muujisay in inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025, ay 5,435 muhaajiriin Soomaali ah gaareen Yurub, iyagoo u soo maray badda iyo dhulka. Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa koror gaaraya saddex jibbaar marka loo eego tiradii la diiwaangeliyey isla muddadaas sanadkii 2024. Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa lagu arkay dhammaan...
Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka ka qaaday mid kamid ah Wasiiradiisa mid cusubna magacaabay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan. Wareegtada uu soo saaray Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre , ayaa loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu noqdo Saalim Cali Ibrow. “Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu...
Labo khatar oo soo wajahday dadka rayidka ah iyo diyaaradaha mara hawada soomaaliya
Waxaa jirta khatar soo wajahday dadka rayidka ah iyo diyaaradaha. Dowladda dhexe ayaa gacan yar ka heysata magaalooyinka waaweyn iyo dekedaha, iyadoo ay weli socdaan weerarrada ka imaanaya kooxaha xagjirka ah ee lagu bar tilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee weli muujinaya inay bartilmaameedsanayaan danaha duulista. Khatarta koowaad waa in ay ku dul duusho diyaarado heerkoodu hooseeyo, kuwaas oo laga yaabo...
Dhalinyaro Badan oo Tahriibtay ka Dib markii ay la kulmeen caddaalad Darro
Soomaaliya sanadihii ugu Dambeeyay waxaa aad ugu socday arin muran Badan dhalisay oo ah xaraashka dhulka Danta Guud, iyo kan ay shacabka Deganyihiin,Dhul Badan oo horay ugu jiray gacanta Bulshada Gaar ahaan Guryaha Dadka Danyarta ah ayaa lagu wareejiyay Ganacsato,Taasoo Dhalisay caro xooggan iyo kalsooni Darro Bulshada Dhaxdeeda ah. Dhibaatada ugu Daran Waxay ku dhacday Dhalinyarada kuwaas oo horay ladaalaa...
DHAGEYSO :Askari ka qaybgalay dagaalkii Itoobiya oo cabasho ka ah Xasan Sheikh maxamuud
Abe xuseen ayaa fariin ku soo qortay dusha taas oo mujineysa in ay jirto dhibaato uu qabo. Waxaana farintas ay u qorneed sidaan' madaxweynaha jamuuriyada soomaaliya waxaan rabaa in aan kula kulmo hadaa ducadeyda rabto madaxweyne sodon sano fadhiyana inaad noqoto aad rabto ila kulan waxaan ahay ciidankii Dowladii siyaad Barre ka dibne waxaa ka mid noqday Dowladii madaxweyne shariif...









